Dagaalada Xamar Ka Socda Waa Mid Ku Saleysan Aargoosi Uu Ka Dambeeyo

0
Thursday September 25, 2008 - 15:14:35 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1527
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalada Xamar Ka Socda Waa Mid Ku Saleysan Aargoosi Uu Ka Dambeeyo

    Dagaalka Waa Mid Laga Aarayo Beelaha USC Dhibaatadii Ay Horey Uga Geysteen Gobolada BAY IYO BAKOOL Waa xaqiiqo dhab ah oo la soo xaqiijiyey in Dagaalka uu yahay mid Aargoosi ah laakin nasiib daro dadka wax magaradka ah ee Reer Muqdisho uma arkaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalka Waa Mid Laga Aarayo Beelaha USC Dhibaatadii Ay Horey Uga Geysteen Gobolada BAY IYO BAKOOL Waa xaqiiqo dhab ah oo la soo xaqiijiyey in Dagaalka uu yahay mid Aargoosi ah laakin nasiib daro dadka wax magaradka ah ee Reer Muqdisho uma arkaan in dagaalka ku wajahan yahay ayaga balse waxey u maleeyaan mid lagaga soo horjeedo Ciidamada AMISOM iyo kuwa ITOOBIYA



 
Sababta dadka ay ku fahmi karin ayaa waxey tahay Qaabka Sh. Mukhtaar ABU-MANSUUR u aarsanayo ayaa ah mid dadban oo u marayo Ciidamada Ajaanibka ah waxaa la yiraahdaa "La Haleeye Wax Ma Ilaabo Lakin Wax Haleeye Waa Ilaabaa" waana mida heysato Dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho
 
Dib u xasuuso wixii loo geystey dadka Soomaalida ah oo ku nool Gobolada BAY IYO BAKOOL oo ka soo jeedo Sh. ROOBOW ma aha mid halkaan lagu soo koobi karo Magaalada Baydhabo waxaa loo bixiyey  "The city of death" ka dib markii Gaajo loo laayey oo biyaha ISHA BAYDHABO koombadii ama gasacadii laga siinayey lacag gaareyso $1000,00 kun shilin waana mida keentey Ciidamadii tirada badnaa oo hogaaminayey MAREYKANKA
 
Waxaa la soconaa markii la diley Sh.Adan X.Ceyrow in ABU-MANSUUR loo diidey in uu buuxiyo jagadii Sh.Ceyrow taas oo keentey in AL-SHABAAB kala jabey Abuu-mansuur na u baqoolo Degaankiisa oo halkaas ku soo diyaarsadey dhalinyaro ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool si toosna amarka ugu qaato.
 
Hadaba Cadowgaan oo maanta gumaadka ku hayo Reer Muqdisho ayaa waxaa Gacantooda ku Abuurey Shaqsiyaad uu ka mid yahay Sh.Xasan Daahir Awees iyo Sh.Yuusuf indhacade oo maanta ay ku adagtahay sidii ay ugu hortagi lahaayeen waxaa jirto murti Soomaaliyeed oo dhaheyso" NINKA BAR-BAARSHO BAHAL NOOL KA BAXSEY AMA BOQNO GOOY"
 
Hogaankii MAXAAKIIMTA ayaa Afkii Juuqda Gabey ayagoo u kala jabeen laba garab oo misana aan ka hadli karin Ciqaabta iyo dhiiga ay dhax-dabaalayaan ayagoo ka baqayo midba midka kale inuu ka faa'ideysto
 
 
Ugu dambeyn dadka Reer Muqdisho dagaalka idinka ayuu idinku wajahan yahay waxa sidaan idiin galaayo waa nin ku dhuumanayo DIINTA oo aarsi u socdo cid idiin maqan majirto iska qabta oo tashada waxa idin ku dhacayo ma'aha mid DIIN ISLAAM IYO DIIN KALE SAAMAXEYSO XISAABTAMA IMISA SOOMALI AYAA DHIMATEY IYO DHAAWACANTEY IMISAANA KA DHIMATEY CIIDAMADA AJAANIBTA?

By moalinm2us@yahoo.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka fiiri emailkiisa xaga danbe qoraalka

Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip