Aaway xuquuqdoodii? Ma is weeydiisay?‏

0
Thursday September 25, 2008 - 16:23:14 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aaway xuquuqdoodii? Ma is weeydiisay?‏

    Bulsha weeynta degta geeska Afrika ma waxeey isku wada raaceen kala sooca iyo quursiga biliaadanka aysan lixdooda lixaad dhameen? Dadka Lixda lixaad qayb ka mid ah la'a aawday xuquuqdooda? Waa SUAALE?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulsha weeynta degta geeska Afrika ma waxeey isku wada raaceen kala sooca iyo quursiga biliaadanka aysan lixdooda lixaad dhameen? Dadka Lixda lixaad qayb ka mid ah la'a aawday xuquuqdooda? Waa SUAALE?

 

Waxaa jiro naafo badan oo kala duwan, haba loo kala qaybiyo mid maskaxdeed iyo mid jireede. Sidaas darteed waxa muhiim ah in aan kala qaadno, oo qofkasta cudurkiisa si gooni ah u tilmaano, una aragno waxa ay u qaban karaan bulshada iyo dadka uu nolol maalmedka la wadaagaayo hadii Eebe idmo. Hadaba waa la kala horeeyaa, waana la kala dhib iyo kadeed badanyahay. Qofkastane waxuu u baahanahay dad yaqaana dhibaatada so haleeyay, lana qaybsan karto. Maantay ciwaankeena xasaasiga ah, oo aan u baahanahay in aan waxbadan ka ogaano waa kan ku quseya bulshada cuuryaamiinta ah ee soomaaliyeed. Dabcan dadka cuuryaamiinta waa qayb ka mid ah bulshadeena kana dhex muuqanin. Goormee kuugu danbeysay araga aad aragtid qof lagu xiiraa gaari loogu tala galay qofka aan soconin karin? Sida aad la socotid dagaalada badan ee dalkeena sida joogtada ah kaga socdo kumanaan qofood ayeey naafaayeen maalinkasta, horayna sidaas oo kale kuwa badan ayaa ula yaalay isbitaalada.

 Cuuryaan: waxaa la dhahaa  ama loo isticmaalaa qofka isticmaalo gaari lagu waddo, ama ku qasban in la xinbaaro si uu u tago meesha u rabo. Waa qof aan is dhaqaajin karin, oo jirkiisa uun ku yaalo laakiin laheeyn awood uu isku gedgediyo. Qofka noolaha ah waxuu cuuryaan ku noqon karaa waxyaabo badan, sida inuu shil galo, maskaxda dhaawac ka gaaro kadibna noqdo qof xataa luuqada ka dhunta (Afasi) oo aan hadli kari, ku fahmeynin inkastoo ku maqlaa, hadii isku dayo inuu hadlo aadnan adiga fahmeynin waxa uu sheegaa ama micna la yaqaano hadalkiisa sameeyneeynin. Sidoo kale qofka waxuu dhalan karaa asigoo curyaan ah, ama qaarka danbe ka ah, ama dareemaha jirka dhaqdhaqaajiyo oo dhan ay k amaqanyihiin. Sababo kala duwan ayaana loo nisbeeyee, sida cudurka Down Syndrom, Autorisme iwm waxaa keeno hidasidayaasha qofka laga abuuro oo aan dhameystirneen ama ka badan tiradoodii caadiga aheeyd, sidaasna uu qofku ku noqdo qof aan is dhaqaajin karin oo u bahan caawinaad markasta. Qofka sida aan soo sheegay waxuu noqonaa qof aan is dhaqdhaqaajin karin, oo dhinac walba xanibaad ka timid ayaa heeysata qofka. Waxaa dhici karto in qofka dhinaca dhaqdhaqaaqa oo kaliya inuu ka yahay cuuryaan, laakiin maskaxdiisa si toos ah u shaqeeyneyso.  Suaalo ayaa badanaa jiro oo ah sideen dadkaan kaga mid dhigi karnaa bulshada? Sidee shaqo loogu heli karaa? Ayaga dhan ma isku midbaa oo isku si ma u qaabili karnaa dhibaatada ay u keentay naafanimada?

Waxaan qabaa in suaalahaan yihiin kuwa muhiim ah, u baahan juhdi, baaritaan iyo aqoon saaid ah si loogu helo jawaabo sax ah, waxkastana loo dhigo meesha loogu baahida badanyahay, iyo waliba waqtiga loo baahanyahay. Dabcan dadka naafada ah lixdooda lixaad aysan dhameystirneen isku wada mid maahan, iskuna uma xayirna, waxeeyna u kala bedelanyihiin sida biliaadanka kale oo kale.

Waxaa dhici karto in qofka yahay cuuryaan, laakiin sameeyn karo wax kasta oo qofka caadiga ah sameeyn karo hadii loo habeeyo qaabka alaabaha iyo deegaanka/guriga ama meesha uu ka shaqeeynaa u dhisanyihiin. Sida gurigiisa oo alaabta/habka kushiinka, kuwa dharka, iyo waxkasta oo meel dheer saaran dhulka loo soo dhaweeyo oo dhirirka qofka lala soo ekeeyo si uu qofka waxuu doono kaligiis u soo qabsan karo, waxeeyna fududeeynee inuu qofka jaanis u helaa inuu noqdo qof buuxo oo wax xanibaad ah noloshiisa horistaagi karin, kana marmaayo qofkasta oo noole ah.  Sidoo kale waxaa dhici karto in qofka jir ahaan cuuryaanka u noqday uusan is dhaqaajin karin, oo ilbiriqsi karto u baahanyahay caawin, waxyaabaha nolosha aasaaska u ahna kaligiis/kaligeed la imaan karin. Sidaas darteed waa in aan cabirnaa qofka iyo awoodiisa innta ay la egtahay, kadibna halkaas ka bilawnaa dib u hagaajin, daaweeyn iyo waliba tababar qofka ku caawinaa sida uu isku bixin lahaa kaligiis/kaligeed.

Waxaa la yaab leh sida dadka soomaaliyeed ula dhaqmaan dadka aan is dhaqaajin karin ama cuuryaanka ah, dadkeena aqliga iyo aqoonta u saaxiibka ah ay kaga seexdeen oo aysan u xisabsaneen. Aqriste ma is weeydiisay xanuunka ay leedahay in aad noqotid qof aan qubeysan karin, cadaysan karin, kaligiis musqusha geli karin, raashin cuni karin, xataa haduu guriga gubto aan ka carari karin dabkaas hadii aan laga soo gaarin ama lala joogina uu meeshiisa ku baabi’i karo? Aqriste ma isweeydiisay adigoo taagan xanuunka iyo qalafsataanta ay qabto in qofka kugu riixaa kursigaaga la weeydiiyo xaaladaada adigane in aadba hadli karto aan la aaminsaneen ama aad ka warheysid xaaladada caafimaad? Xaqiiqadii dadka cuuryaanka ah bulshada soomaaliyeed si qaldan, oo xaqiran ayeey ula dhaqmaan, ilaa heer la gaarsiiyay in loola dhaqmo sida xayawaanka, la iska qarsho qaarkood, qaarkood la dilo ileen awood kuguma dhamee, qaarna la silciyo oo raashin iyo in waxbarashada loo diido. Waa wax aad u xanuun badan markii aad ogtahay in aad adiga ilbiriqsiyo gudahood ku noqon kartid cuuryaan aan is dhaqaajin karin, ileen waxaa kugu filan in maskaxdada uun jug gaarto. Ma is weeydiisay xanuunka ay qabto in cunugaaga noqoyo gooni u socod aan la sineen faciis sababta jaahilnimada bulshada uu ku dhexnoolyahay? Ma isweeydiisay qaraarka ay qabto in aad aragtid cunugaaga oo aan la ciyaari karin caruurta kale, xataa haduu awoodo inuu sameeyo waxa ay sameeynaayaan? Suaalahaan kuwa kale oo badan qofka soomaaliga ah maba lahan aqli uu isku weeydiiyo ayaan is iraahdaa mararka qaar. Maxaayeelay WAQTI ma jiro, maskaxdooda ma degto, ma nasato, aduunyadaan aan joogo lama socoto. Tan kale qaar ayaaba ku doodaa in aan laga hadli karin xuquuqda dadka cuuryaanka ah ama guud ahan dadka naafada jireed ama tan maskaxeed qabo, maxaayeelay soomaali oo dhanba XUQUUQ MALAHAN? BALSA SUAAL AAN HORAY KU WEEYDIIYAY AYAAN KUUGU SOO CELINAA AQRISTE. Ma dadka soomaaliyeed ee naafada ah ama cuuryaamiinta ah ayaa kaa qaatay xuquuqdaada? Nabad ku diiday oo aad ka nasan weeysay? MASA KAAGA XOOGA LEH, AXMAQA AH OO AAN LA ARKIN WAX KAA CELIN KARO HADII ILLAAH KAA QABANIN? Dadka aysan lixdooda lixaad dhameystirneen ma xaqaa in aan fiirsano dhibaatada aan ANAGA KU HEEYNO anagoo ka fekereeyno xuquuqda shacabka soomaliyeed oo noqotay mid gacanta u gashay wax magarati iyo calooshis la ciyaare? MAYA! MAYA! WALAAHI MAYA, waa in aan sameeyno waxaan awoodno. Ma waxaa jiro qof naga mid ah oo aan aaminsaneen in asiga/ayada Illaah abuuray? Ma waxaa jiro qof ka shakisan in dadka lixda lixaad la’a aysan laheeyn NAF IYO QALBI? Maxaa jiro qof aaminsan inaysan sideena oo kale raashin iyo cabitaan u baahneen, ama aqoon iyo shaqo u baahneen? MAYA! Waa anaga kaloo dadka naafada ah, waxeeyna xaq u leeyihiin in aan si wanaagsan ula dhaqano, una qadarino sida aan u qadarineyno QOFKASTA.

Uljadeeda qoraalkaan tixanaha ahaa waxeey aheeyd in aan ku baraarujiyo dhamaan bulshada soomaaliyeed in ay ogaadaan qaladkooda, xuquuqda islaameedna aysan qaadanin. Waxaan ku celcelinaa, ku celcelinaa hoostana ka xariiqaa, oo aan rajeeynaa in qof danbe oo soomaali ah muran ka sameynin insha alaah: ”Dadka lixdooda lixaad aysan dhameeystirneen ama naafada ah WAXEEY KA MID YIHIIN BULSHADA, WAXEEYNA XAQ U LEEYIHIIN INTA UU XAQ U LEEYAHAY QOFKASTA EE DEGEN WADDANKA AY DEGENYIHIIN!!”

 TALO: dhamaan dadka dhalay ama ay walaalaha la yihiin ama ay la noolyihiin dadkaas lixdooda lixaad aysan dhameystirneen waxaan kula talinaa in ay dadkooda u naxariistaan, wax baraan, ku caawiyaan sida ay iskugu filnan lahaayeen, u dulqaataan, ogaadaan in ay yihiin dad u leh xaq nolol sida ay ayaga oo kale. Bulshadane dhamaantood khaas ahaan dhalinyarta waxaan xasuusinaa in ay Illaah ka baqaan, bulshadoodane ayaga u tiro iyo tayo roone u horseedaan wadada wanaaga insha alaah. Waxaana ku soo gabagabeeynaa, waxaa horay loo yiri:" Wax adna jecleen in naftaada lagu sameeyo ha ku sameeynin nafta walaalkaa?" Waxaana ku leeyahay anigane:" Ogaaw in aad ADIGABA ilbiriqsi ku noqon kartid qofka aad liideysid ama u aragtid inuusan aheeyn biliaadan!" Ileen sida aad dareen iyo maskax shaqeeynee u leedahay oo kali ayeey u leeyihiin, waalid hadaad tahay waa waalid, hadaad tahay caruur waa caruur, hadad tahay walaal waa walaal, hadaad tahay gabar waa gabar, hadaad tahay wiil waa wiil, hadaad tahay dhalinyaro waa dhalinyaro, hadaad tahay ARDAY WAA ARDAY AYAGABA!

 Waxaan u mahadcelinaa dhalinyartii ka mid ah bulshada soomaaliyeed ee naafada ah oo ila soo xariiray, kuwii ii siiyay macluumaadkii qaaliga ahaa, iyo kuwii igu dhiirigeliyay in aan arko dhibaatada umadeena ka daboolan ee heeysto dadka aan u xisaabsaneen umada soomaaliyeed, SOONA BANDHIGO, weliba aan ka sameyo qoraal sidaan u weeyn, una taabanaa kooxkasta ee ka mid ah soomaalida naafada ah si qaas ah. Waa mahadsantihiin marlabaad, waxaana rajeeynaa in qoraalkaan keeno natiijo wanaagsan, dadka aad ii sheegteen in ay DAREENKA BILEEN IS ARKAAN, adinkane ku guleeystaan dagaalka aad ugu jirtaa xuquuqdiina iyo xoriyadiina insha alaah, garabkiina ayaana ahay markasta, HA QUUSANIN!!

 Aqriste mahadsanid, RAMADAAN WANAAGSAN IYO WELIBA CIID WANAAGSAN. Alaha naga mid dhigo inta loogu danbi dhaafo barakada bishaan barakeysan insha alaah, aamiin aamiin yaa Rabi!

 Waxaa kale oo aan u mahadcelinaa dhamaan websiteyada soo saaray qoraalkaan, oo ayagane noo fududeeyay in soomaalida wax aqriska aqriyaan qoraalkaan, kana faaiidaan wax uun insha alaah.

  Mahad Illaah baa leh.

 NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan amar la,aana lama daabacan karo, mana la qaadan karo, sidoo kale mala'awaal waa ka mamnuuc ilaa ogolaasho laga helo qoraaga sheekada iska leh. 

kala xariir wixii dheeraad ah ama qalad ah oo aad u aragtid: samsam_1989@hotmail.com.

22.09.2008 

 W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip