Wadanku wuxuu hadda leeyahay Dawlad Federaal ah oo ku meel gaar ah oo aan, runtii sidaas u xoog badneyn balse adduunka laga aqoonsan yahay, faa'iidadda ay Dawladdaan tabarta yar u leedahay Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka mid ah, iyadoo hortaagan Dagaal Sokeeye ( Civil War) oo mar labaad (2) ka dhaca Soomaliya.
Haddiisa laga fursan waayo in dib loogu laabto dagaal sokeeye, sida aay saadaalinayaan xeel dheerayaasha arimaha Soomaliya, waxa leesula safan doonaa qaab isbaheysi ku saleysan qabiil dahsoon iyo isku dan, waxaana loo kala safan noqondoona laba (2) qeybood ( two group) oo kala ah: 1) dagaalyahanada gobalka Shabeellaha dhexe ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, dagaalyahanada Gobalka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Col. Cumar Haashi Aden oo taageero dadban ka helidoona reer Puntland iyo Digil iyo Mirifle 80%, waayoo waxay weli xususstaan Digil iyo Mirifle tacadigii aay reer Shaatiga badan u geysteen xilligii uu Yusuf M. Siyaad Indhacadde ka talin jirey gobalka Shabellaha Hoose, sida biyihii webigooda oo laga iibin jirey reer Digil iyo Mirifle iwm.
2) Al Shabaabka reer Guri-ceel ee uu hoggaamiye ninka isku magacaabey General Yuusuf M. Siyaad (Indhacadde), Al shabaabka dhowaan qabsadey Kismaayo ee uu hoggaamiyo Hassan Turki, inka yar 20% Al Shabaabka Bay iyo Bakool ee uu hoggaamiyo afhayenka reer Guri-ceel, ama reer Shaatiga badan Mukhtaar Roobow ( Abuu Mansuur) oo taageero dadban ka helidoona labaatameeyo (20) dagaalyahano Ajnabi ah oo ku jira liska Argagaxisada caalamiga.
Shacabka Soomaaliyeed inta nabada jecel waxay si xoogan u taageerayaan una bogaadinayaan Siyaasadda fur furan ee garabka uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, waxayna si xoogan u canbeereynayaan garabka reer dagaal ku nool, gaar ahaan ninka la yiraahdo Mukhtaar Roobow Cali oo durba ilaabey tacaddii Tolkiis loo geystay xilligii Hoggaamiyayaasha reer Shaatiga badan ka talin jireen gobalka Shabellaha Hoose, doqoney dab-kaa be'
Ugu danbeyntii Ciidamada Itoobiya hala siiyo fursad aay Wadanka Soomaliya si deg deg ah uga baxaan, haddii aay Itoobiya muddo kooban uga bixiweyso Soomaiya, waa in Soomaliya oo isku duuban dagaal ku qaado Ciidamada Itoobiya, ilaa laga saaro Askariga ugu danbeeya ee Itoobiyanka ah, laakin halaga digtoonaado hadafka reer Shaatiga badan.
Warsaameyusuf@hotmail.com
Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka fiiri emailkiisa xaga danbe qoraalka
Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.
MUKHTAR ROOBOW (ABUU MANSUUR) OO KU HADLAY AFKII HEER SHAATIGA BADAN ( Maqaal )
Waxaa wax aad loogu qoslo ku noqotay Shacabka Soomaaliyeed, hadalkii dhowaan ka soo yeeray Mukhtar Roobow Ali ( Abuu Mansuur) oo iclaamayay dagaal lagala hortago Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo kooxahii saxiixey heshiiskii dhowaan dhex marey DFKM