Kitaabaha fadwo xalaal ah ka dhigaaya dhiigga iyo maalka dadka degan deegaanada Muqdisho ilaa Xaradheere waxaa dhowaan soo daabacey garabka reer shaatiyo badan oo ayka go'an tahay geeri amba geed canbe ( Mango tree or death), oo Faruurey Shangola ku qasbey in uu ka sii daayo qalabka warbaahinta gudaha, laakin ha xusuusnaadaano reer shatiyo badan dagaalkii Muqdisho oo ahay afar (4) biloodlaha 1991dii ee uu General Mohamed Nuur Galal Ilaahay ha-xafidee ee uu ugu nasteexeyn jirey xilligaas reer Shaatiyo badan oo ahay " garaash-leyey is tiriya marka aad dagaalka aadeysiin, marka aad ka soo noqotiin dagaalkana is tiriya"
Dhinaca kale, reer burtinlow doqonkaan faruuran ee ceebeeyay magacii Shangole iyo kii heybta Shangoleba, ee wax uusan ka fiirsan meel fagaaro ah kala faaq faaqle, fariino ku qabta kana bixiya raali-gereyn ( apology) inta uusan fidno u abuurin firkiina danbe, waayoo ninka uu wato magaciisa ee la yiraahdo mudane Shangole wuxuu ku nool yahay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Xaradheere, gaar ahaan magaalada Jowhar ee gobalka Shabeellaha dhexe oo uu ka yahay madaxa Isboortiga gobalka Sh/Dhexe, marka ninka caanka ah ee uu wato magaciisa mudane Shangole ee ku nool Jowhar dhiiggiisa iyo maalkiisaba fadwo miyaa?.
Waxaa lawada qirsan yahay, siyeed iyo tobankii (18) sano ee la soo dhafay Soomaliya oo dhan meelkasta ooy joogtaba gudaha iyo dibadaba waxaa haysatay nasiib darro aad u xun, balse tan ugu xun waxay haysataa Waarufkaan meel uga dhacey Magacii Mudane Shangole sidoo kale kii reer Burtinle iyo ina Roobow Dhuxulow oo u hadla nimanka uu dhabarka uga xirin yihiin ee loo yaqaan reer shatiyo badan oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay biyo subag ka ruxaayay.
Ugu danbeyntii, ninka layiraahdo Faruurey Shangole wuxuu galay dambi wax yar, ka yar kii uu galay 1980meeyaddii ninkii la oran jirey Rushti Suileman oo Rur'aanka Ilaahay ku sheegay aayado shaydeen ee Faruureeyow Ilaahay u towbad-keen.
Warsaameyusuf@
Hotmail.com
Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka fiiri emailkiisa xaga danbe qoraalka
Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.
NIN NIMAN DHABARKA UGA XIRAN WIXII UU DHAHO WAA ISKA DHAAFID (Faalo Aqriste )
Waarufka maskaxda laga hayste ee layiraahdo Faruurey Fu'aad Shangole , laakin shaki weyn ku jiro in uu dhalay Mudane Shangole oo ah shaqsi sumcad fiican ku leh Soomalia oo dhan, gaar ahan koofurta Soomalia ayaa nin waaruf ah oo wata magaca i