Maxaa Ka Taqaan Musharaxa Duqa Magaalada Muqdisho Dr Maxamed Yarow ?

0
Monday October 13, 2008 - 21:10:39 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Taqaan Musharaxa Duqa Magaalada Muqdisho Dr Maxamed Yarow ?

    Dr. Maxamed Cumar Nuur (Maxamed Yarow) oo ka mid ahaa ku xigeennadii Duqa Magaalada Muqdisho, haatanna ka mid ah Musharixiinta u taagan qabashada Xilka Guddoomiyenimada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta wuxuu soo bandh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Maxamed Cumar Nuur (Maxamed Yarow) oo ka mid ahaa ku xigeennadii Duqa Magaalada Muqdisho, haatanna ka mid ah Musharixiinta u taagan qabashada Xilka Guddoomiyenimada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta wuxuu soo bandhigay waxyaabaha uu qaban doono haddii xilkaas loo doorto.

Dr. Maxamed Cumar Nuur (Maxamed Yarow) waxaa uu sheegay in haddii xilkaas loo doorto uu wax ka qaban doono Nabadgelyo la’aanta, Soo nooleynta Adeegyada Bulshada, Arrimaha Caafimaadka Bii’ada, Waxbarashada, Shaqo la’aanta, Xiriirka Bulshada Caalamka, Dhibataada heysata dadka barakacay, la-dagaalanka musuq-maasuqa

Mar uu ka hadlayay Nabadgelyada waxa uu sheegay in uu soo celin doono Nabaddii iyo kala dambeyntii Gobolka Banaadir, wuxuuna carrabka ku dhuftay in nabadgelyada Muqdisho uu  ka dhigi doono mid degan mustaqbalka dhow haddii xilkaas loo doorto.

Soo nooleynta Adeegyada Bulshada ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay in uu ku han-weyn yahay in uu dib u soo nooleeyo adeegyadii kala duwanaa ee bulshada ee baaba’ay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in soo celinta adeegyadaas uu la kaashan doono Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Dhexe iyo kuwa Caalamka.

“Haddii aan ku guuleysto qabashada Xilka Guddoomiyenimada Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Duqa Magaalada Muqdisho waxaan wax ka qaban doonaa Caafimaadka Bii’ada, wuxuuna maamulkeyga la-dagaallami doonaa Cudurrada faafa”ayuu yiri Dr. Maxamed Yarow oo sheegay in uu kalsooni weyn ku qabo in uu wax weyn ka bedeli doono bilicsamida iyo sixada magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Musharaxan in uu maamulkiisa uu la tashan doono Hoggaamiyaasha Dhaqanka, kuwaasi oo uu xusay in fikradahooda iyo waaya-aragnimadooda ay qeyb muhiim ah ka geysan karto xalinta khilaafaadka ka jira Gobolka Banaadir.

Waxbarashada ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna caddeeyay in uu Waalidiinta ay Caruurtooda waxbarasho la’aanta heyso uu u sahli doono waxbarasho lacag la’aan ah oo heerar kala duwan leh.

Dr. Maxamed Cumar Nuur (Maxamed Yarow) waxaa uu sheegay in marka uu xilkaas ku guuleysto uu qaadi doono olole uu maamulkiisa uga hortegayo shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Magaalada Muqdisho, iyadoo buu yiri dhalinyarada loo abuurayo Mehrado shaqo oo kala duwan oo ay noloshooda ku kaafiyaan.

Dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ayuu musharaxan ka hadlay, wuxuuna tilmaamay in uu ka shaqeyn doono sidii ay dadkaas guryahooda ugu soo noqon lahaayeen, “Waxaan xarumo gaar ah u sameyn doonaa dadka ku  barakacay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda kadibna waxaan culeyska saari doonaa in aan u fududeyno sidii ay guryahooda ugu soo laaban lahaayeen anagoo la kaashaneyna hay’adda qaxootiga aduunka UNHCR iyo deeq-bixiyaasha kale ee  caalamiga ah”ayuu yiri Dr. Maxamed Yarow.

Dr. Maxamed Cumar Nuur (Maxamed Yarow) oo ka mid ah Musharixiinta isu soo taagay qabashada xilka Guddoomiyenimada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uu maamulkiisa wax weyn ka duwanaan doono maamullo horay u soo maray Gobolka Banaadir, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii xilkaas loo doorto uu maamulkiisa ku shaqeyn doono maamul-wanaag leh qaabab lagula xisaabtamo.

Ugu dambeyntiina, Hadalka uu sii daayay Musharaxan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Guddi KMG ah oo loo magaacay Gobolka Banaadir uu ku howlan yahay diyaarinta doorasho ay dadka deegaanka ku soo xulanayaan Qofka ay doonayaan in uu madax ka noqdo Gobolka Banaadir.

Kala xiriir Musharaxa:

Tel: 2521-5500233/+25250-966333/+252162290707
Email:
m_Yarow@hotmail.com

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip