Waxaa laga ma marmaan ah iney yeelato dad waayo arag ah, oo u iftiimaya Wadada saxda ah oo ay ku gaari lahaayeen rajadooda ah in ay ku noolaadan nolol wanaagsan!
Balse,kawaran aqristow hadii hogaankii dhan ee laga sugaayay inuu
Dadka hago uu noqdo mid aan jirin haduu jirana uusan shaqeyn gabi ahaanba.!
Waxaa xaqiiqo maragmadoonta ah ,in umadaas ay noqoneyso mid jahwareersan oo aan ogeyn waxa hadda la joogo iyo waxa soo socda intaba.
Beelaha somaliyeed intooda badan waxay leeyihiin hogaan sare oo la xushmeeyo,lana adeeco oo ay talada ka go`do balse beesha aan ka dhashay ee mudulood waxaa nasiibdaro u ah in hogaankii aan talada iyo hagida Ka sugeynay uu noqday mid iska aamusan!
Imaamka beelweynta mudulood (allaha dhowree) imaam maxamud imaam cumar oo runtii ah imaam aan xushmad weyn oo aan halkaan ku soo koobi karin u hayo ayaad moodaa in uu maalmahaan howlihiisa gabay!
Waxaa caado u ah beelaha somalida markii ay dhibaato ku timaado siiba Mid taabaneysa jiritaankooda in ay idaacadaha ka hadlaan dadkii cuqaasha u ahaa oo markaana ka dhiidhiyaan arimaha ay u arkaan markaa Iney lid ku tahay jiritaankooda.
Xilligaan kala guurka ah, oo uu dalku marayo meeshii ugu xumeyd ee taariikh somaliyaa ayaa waxaa ay dadka ka soo jeeda beesha mudulood la yaaban yihiin waxa sababay aamusnaanta imaamka beesha mudulood.
Imaamow,dadka aad madaxda u tahay ee kuu dhiibtay hogaanka waxay Kaa sugayaan howl badan oo u baahan wax ka gabasho.
Imaamow,marna suul tagal noqon meyso inaad iska daawato ayadoo degaanada aad dhaqan ahaan matasho la doonayo in lada dhigo
Goob dagaal oo lagu barakiciyo dadka aad matasho!
Waa la ogyahay in Dagmada Balcad aysan joogin amxaaro iyo dhabadhilif Toona oo ay ka mid tahay degaanada beesha mudulood,marka aan is weydiinee maxaa colaada loogu soo wareejin??
Miyaysan mujineynin naceyb lafaha galay oo loo gabo jirijitaan umada mudulood ku abtirsata??
Ugu danbeyn,waxaan si xumshad leh ugu baaqayaa imaamka beesha Mudulood inuu mowfiq cad ka qaato dagaalada loo soo xawili rabo dagaanada beesha ,dadka muduloodna ay ka dhiidhiyaan arintaa wuxuushnimada ah oo ay geesanayaa dad cadaw ku ah jiritaan beesha.
Cabdisalaan Maxamud
<warsan-starnimo@hotmail.com
Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka fiiri emailkiisa xaga danbe qoraalka,
Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.
Imaamoow yaa imaam u tahay?? ( Faalo Aqriste )
Sida lawad ogyahay umad waliba si ay horumar dhinac waliba ah Ku gaarto ha ahaato dhinaca Nabadgalyada, Waxbarashada, Caafimaadka