Qof walboow isa soo xisaabi inta aan lagu xisaabin, dhibka aad ku hayso Ummada

0
Wednesday October 22, 2008 - 12:31:15 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof walboow isa soo xisaabi inta aan lagu xisaabin, dhibka aad ku hayso Ummada

    Inta badan, Qof walba qayb ayuu ka qaatay dhibatada haysata dadka Somaliyeed & dalkoodaba. Qofkii fandhaal mugii ama Qaado mugeed ka qaatay iyo midka wada yuubaday ee Dhiigya Cabka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan, Qof walba qayb ayuu ka qaatay dhibatada haysata dadka Somaliyeed & dalkoodaba. Qofkii fandhaal mugii ama Qaado mugeed ka qaatay iyo midka wada yuubaday ee Dhiigya Cabka ah.



Waa afar, Dilaa oo midba nooc Ummada Somaliyeed ku dila.

Waxayna kala yihiin.
1. Gacan ku dhiigle.
2. Maal ku dgiigle.
3. Af ku dhiigle
4. Qalbi ku dhiigle.

1. -Gacan Ku Dhiigle-

Gacan ku dhiigle, waa ninka ama Shakhsiga, dhiigyacabka ah ee habeen & maalinba u  taagan Xasuuqa Ummada Somaliyeed ama Bani,Aadamkaba aan dhoho. Isaga oo waliba ku faanayo oo idaacadaha ka sheegayo hadba tirada uu Xasuuqay  maalintaasi. Si kasta, ujeedo kasta iyo mambda kasta ha sheegto.

2.- Maal Ku Dhiigle-

Maal ku dhiigle waa Qofka maalkiisa ama xoolahiisa u hibeeyey oo ku bixiyey, in uu Beeshiisa uu ku Hubeeyo ka dibna Beeshiisa ay Hubkaasi ku weerarto Beelo kale.Ayada oo sababta weerarkaasina uu yahay, sidii Beesha la weeraray dhulka ay dagantahay iyo Hantidoodaba loola wareegi lahaa oo looga qaadan lahaa, isla  markaasna xoog loogu Xukumi lahaa.

3. - Af Ku Dhiigle-

Af ku dhiigle waa Qofka ama Shaqsiga, Beeshiisa ku Qalqaaliya in ay wax weerarto. Mar walbana u taagan in uu buun Colaadeed yeeriyo ama ka dhawaajiyo. Si dadkiisu ay  u kacaan oo weerar xaaraan ah oo xaqdaro ah u galaan ama u qaadaan si ay u helaan, hanti ayan lahayn oo ay boobaan.

4. - Qalbi Ku Dhiigle-

Qalbi ku dhiigle, waa Shakhsiga, Qalbiga ka jecel  ficilada foosha xun ee ay
sameeynayaan Sedexda kore. Ee aan isagu awood kale  haynin balse awoodiisa ay ku  koobnaatay in uu Qalbiga kaga raaxaysto dhibaatooyinka ay Beeshiisu u geeysaneeyso  Beelaha kale.

Hadaba dadweynaha Somaliyeed ee Afartaasi dhiigya cab dhexdooda ku nool maxaa u  tala ah?

Ma iska qaban karaan dadweynaha Somaliyeed dabiilayaashaasi?
Ma iska qaban karaan, Ninka diin sheeganaayo, hadana Muminiinta iyo Muminaadka  guryahooda iyo masaajida ogu dhacayo, oo marka ay ku siisocdaan ama ka soo baxaan  dilaayo, maxuuse yahay mamda,iisa? Mabda,iisa waa Xukun doon oo uu u maraayo  wado la maro tii u xumayd. Taas oo ah, Xasuuqa ummada Somaliyeed.

Su,aalahaasi jawaaba hooda akhristayaasha ayaan u daayey in ay ka soo jawaabaan.

Sidaas darteed xaalka Somalida ay ku dagi karto" Ayagu ma hayaan ee waxaa haya  Caalamka kale. Sababta kowaad. Waa Qofna Qaladkiisu ma arko ee Qaladka Qofka waxaa arka Ummada kale. Sababta labaat. Nin dhiiga walaalkiis in uu ku noolaado bartay, nolol kale ma rabo, in ay nolol kale jirtona  maba oga. Wuxuuna u baahanyahay in dhiiga walaalkiis cabidiisa laga qabto oo la tuso  nolol kale in ay jiri karto. Gacan ku dhiigloow, hortaada waxa jira Cadaab Aduun & mid Aakhiro.

Lacag ku dhiigloow, lacagtaada ayaa lagugu Cadaabi Aduun & Aakhiraba.
Af ku dhiigloow, hortaada waa hoog Aduun & mid Aakhiro.  Qalbi ku dhiigloow Khatar ayaad ku jirtaa ee Qalbigaada Nadiifi. Si aad oga baxdo  saaxiibnimada sedexda kale ee yuubaday.

Mohamed Omar Osman
North
America
sooraac@unhs.us
world9peace@yahoo.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip