Wararki ugu dambeeyay weerar Alshabaab ku qaaday degmada Balcad.

Wararki ugu dambeeyay dagaal kadhacay Degmada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe kaasi oo udhaxeeyay ciidamada maamul goboleedka Hirshabeele iyo Alshabaab.

Dagaalka ayaa ku bilowday qarax ay Shabaabka ku weerareen Balcad oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, qaraxa kadib ayaa waxa uu dagaalka noqday mid foolka fool ah.

Dad ku sugan Balcad ayaa kusoo warramay in Weerarka lagu bartilmaameedsaday baro koontarool oo ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin degmada iyo xafiisyo ku yaalla Xarunta degmada, kuwaasi oo uu gaaray burbur xooggan, sida ay muujinayaan sawirada laga soo qaaday goobta.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay inay ka hortageen Al-Shabaabka soo weerartay saaka, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen, waa sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha.

Sidoo kale Guddoomiye Qaasim Furdug ayaa hadalkiisa intaas kusii daray in Al-Shabaab ay ka dileen 11 xubnood, ayna jiraan xubno kale oo dhaawacyo ah, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in qaraxa uu burbur xooggan gaarsiiyay guryo iyo dhismayaal kale.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa bishan Ramadaan aad u kordhisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles