Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

“Dawladdumuhiim u ma arkaan in dadweynaha lala wadaago xogta ku saabsan go’aannada dawladeed”

Maaddada la dhaho “Political Communication” waxaa lagu bartaa muhiimadda ay xiriirka iyo la-hadalka dadku u leeyihiin fulinta ajandayaasha iyo siyaasadaha dawladda. Marka la isku xiraayo Siyaasadda iyo Xiriirka, waxaa la yiraa “Siyaasaddu waa hawl iyo hadal isla socda”. Haddii labadaas mid la waayo, kan kale waxba ma tarayo. Siyaasad hadal keliya ah waxaa fashilinaya hawl-la’aan. Mid hawl keliya ahna waxaa fashilinaya hadal-la’aan!
Waxaan isku dayay inaan baaro xogta ku saabsan Qubuuraha la faagayo. Waxaan maqlay in dhulka loogu talogalay saldhig ay Turkigu u dhisayaan si loogu tababbaro ciidamo badda ah oo Soomaaliya loo diyaarinayo. Waa qeyb ka mid ah heshiiskii difaaca ee dhex maray labada dal, kaasoo ay dadka Soomaaliyeed u wada riyaaqeen.
Dhulku waa dhul hore oo ay dawladdu lahayd, isla ciidamada ayaana isticmaali jiray. Laakiin halkaan waxaa ku jira dhawr nasiibdarro:
1. Ma badna warbaahin xogta raadisa. Waxaa lagu wada kaaftoomay oo xiiso yeeshay hadalhaynta baraha bulshada.
2. Dawladdu [gaar ahaan Madaxweynaha] muhiim u ma arkaan in dadweynaha lala wadaago xogta ku saabsan go’aannada dawladeed. Keliya waxaa laga war-helaa fulinta (enforcement). Waana tallaabada ugu dambeysa oo wixii ka horreeyay ee muhiimka ahaa laga soo gudbay. Waxay taas keenaysaa in la isku fasaxo dadweynaha iyo ciddii xog siin karta— waana cid aan ahayn ciddii xogta runta ah heysay.
3. Madaxweynuhu [sida waaqaca laga arki karo] waxa uu aaminsan yahay in aysan qiimo lahayn in dadka war lagu qanciyo, marba haddii waxqabad lagu qanco uu ka shaqaynayo. Laakiin waxa uu laba jeerba u shaqaynayaa mucaarad aanan iyagu shaqeysan karin.
Wuxuu u dhisayaa kaabayaal dawladeed oo ay berrito asaga ka dhaxlaan. Inta uu dhismahaas ku jirana waxa uu isla iyaga fursad lama-helaan ah u siinayaa in shaqadaa horumarka ah ee ay berrito ka dhaxli doonaan ay maanta isla isaga ku sii dacaayadeeyaan oo ku sumcad-dilaan; maadaama uusan [isagu] bulshada u sheegaynin waxa uu qabanayo.
Dabciga siyaasaddu waa legdan luggooyaysan. Waxa ay ku shaqaysaa qaaciddada dhahda:
“Ha ka fekerin wanaagga, ee ka feejignaaw cawaaqibta”. Balse Madaxweynaheennu waxa uu ka fekerayaa wanaagga (Virtues), halka ay mucaaradkiisuna ku foogan yihiin inay wanaaggiisaas kala soo dhex baxaan cawaaqib (Consequences) asaga u daran, iyagana u dan ah!
Labada dhinacba waxaan leenahay Nasiib Wacan!
W-Q. Dhaaley

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles