Warar hoose oo la xiriiro ciidamo Israa’iil oo lagu laayay Rafax (Warbxin)

Ciidamada Israa’iill ayaa sheegay in siddeed ka mid ah askartooda lagu dilay koonfurta Qasa, ka dib markii askartan ay ka soo laabteen howlgal habeenimo ah oo ay ka sameeyeen xaafadda Tal al-Sultan ee magaalada Rafax.

Askarta ayaa saarnaa gaari gaashaaman ka dibna uu haleelay qarax weyn, baaritaan hordhac ayaa lagu sheegay in ‘qalab farsamo sare loo adeegsaday’ sida ay ciidamada Israa’iil sheegeen.

War qoraal ah oo ay soo dhigeen bartooda X, oo hore loo oron jiray Twitter, ayay ciidanka Israa’iil ku sheegeen in Captain Waseem Mahmoud oo 23 jir ah uu ka mid ahaa dadka la dilay, magacyada kale ee askarta ayey ciidamadu sheegeen in la shaacin doono marka qoysaskooda la ogeysiiyo.

Ciidamada dhulka ee Israa’iil ayaa sii wada howlgallada ay ka wadaan Rafax iyaga oo ujeedkoodka howlgallada ku sheegay inuu yahay in ay meesha ka saaraan waxa ay ku tilmaameen “ Xaruntii ugu weynayd ee ugu ugu dambaysay ee Xamaas.”

WASIIRKA DIFAACA ISRAA'IIL

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Dilka sideedda askari ayaa ah dhacdadii ugu darnayd ee ciidamada Israa’iil l ay kala kulmaan marinka Qasa tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay ku bixisay “qiimo sare” dagaalka ay ku difaaceyaan dalkooda, balse wuxuu sheegay in dalkiisa uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah “si loo xaqiijiyo jiritaankeenna iyo mustaqbalkeenna”.

Wasiirka Difaaca Yoav Gallant, ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga xun yahay, isagoo yiri “xanuunka ka dhasha khasaarahan oo kale waa mid aad u weyn”.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qasa, 30 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay Jimcihii.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay xaaladda bini’aadantinimo ee sii xumaanaysa ee Rafah, halkaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ilaa hal milyan oo Falastiiniyiin ah ay gabaad ka dhiganayaan.

Rafax  halka dad badani ku sugan yihiin

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Agaasimaha guud ee haya’adda caafimaadka adduunka ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa Arbacadii sheegay in qayb weyn oo ka mid ah dadka Qasa ay wajahayaan “gaajo iyo xaalad macaluul ah.”

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dawladda Maraykanka ay cunaqabateyn ku soo rogtay koox Israa’iili ah oo ay sheegtay in ay weerartay kolonyo waday gargaar bani’aadanimo oo ku sii jeeday Qasa.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in urur xiriir laleh Israa’iil oo iskood ah ula hawlgal dadka dadka sharci darrada ku daggan Daanta Galbeed cuna-qabateyn la saari doono, sidoo kalana dadka Maraykanka ah oo dhan laga mamnuuci doono in ay wax macaamil ah la sameeyaan.

Muddo bilooyin ah ayaa waxaa kooxaha ololeeyayaasha ee Israa’iil ay ka hortagayeen in kolonyoooyinka wada gargaarka bani’aadanimo ay u gudbaan dhinaca Falastiin, gaar ahaan Markinka Qasa.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madax badan oo caalamka ka tirsan ayaa horay ugu booriyay Israa’iil inaysan weerar ballaaran ku qaadin magaalada Rafah.

Wasaaradda caafimaadka ee Qasa ayaa sheegtay in in ka badan 37,000 oo falastiiniyiin ah lagu dilay dagaalka tan iyo markii uu bilowday dagaalka, iyadoo ay u sii dheer tahay boqolaal kun oo dhaawacyo iyo barakac ah.

Dagaalkan ayaa ka qarxay Qasaa ka dib markii Xamaas ay weerar ku qaaday Israa’iil 7-dii October, kaas oo sababay dhimashada ku dhawaad 1,200 oo Israa’iiliyiin ah iyo 251 kale oo ay ku qafaasheen Qaza.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles