Ma run baa in mas’uulka ugu sareeyo Daacish oo soo gaaray Soomaaliya ?

Mareykanka ayaa sii xoojinaya inuu diiradda saarayo la dagaalanka kooxaha mintidiinta Soomaaliya, kadib markii ay sii kordhayaan bartilmaameedyada lala xiriirinayo kooxda Daacish ee ka soo cusboonaatay saldhiga ay ku leeyihiin Geeska Afrika.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ka walaacsan in Daacishta Soomaaliya  ay halbowle u tahay isku xirka maaliyadda caalamiga ah, iyo martigelinta hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda.

Hogaamiyayaasha ugu sareeya IS waxay u arkaan Afrika meel ay tahay inay maalgashadaan, halkaas oo ay ka heli karaan inay si ka wanaagsan oo xor ah ugu shaqeeyaan, waxayna rabaan inay isku ballaariyaan Soomaaliya,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Mareykanka.

Qiimaynta Maraykanku waxa ay daba socotaa wararka sheegaya in amiirka Daacish, Abu Xafs al-Hashemi al-Qurashi, uu ka soo safray Suuriya ama Ciraaq ka dibna uu Yemen uga sii gudbay maamul-goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxa ay daba socotaa digniino ka soo baxay saraakiil badan oo ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya oo sheegayay in IS-Soomaaliya ay sii xoogaysatay, taas oo ay ugu wacan tahay dagaalyahanno iyo hawl-wadeenno ka soo qulqulaya Yemen.

Sarkaal Maraykan ah ayaa xaqiijiyey Isniintii in weerar xagga cirka ah oo dabayaaqadii bishii hore ka dhacay agagaarka deegaanka Dhaadaar, oo 81 kiiloomitir koonfur bari ka xigta magaalada Boosaaso, lala beegsaday hoggaamiyaha IS-Somalia Cabdulqaadir Muumin.

Qiimaynta ugu horraysa ee Taliska Maraykanka ee Afrika ee 31-kii May ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah maleeshiyada IS lagu dilay. Inkastoo aysan cadddayn in Muumin uu ka mid yahay dadka dhintay.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles