Soomaali badan oo qurbaha tagay iyagoo caafimaad qaba ayaa waxa dhacda in muddo kadibna arkaan caafimaadkooda oo hoos u dhacay, inta badan qurbaha waxaa laga hadlaa iyadoo dadka Soomaalida ee yimid waddamada reer galbeedka ay dabeecadda iyo deegaanku sameeyn ku yeelatay caafimaadkooda.
Waxaa arrintan loo aaneeyaa waxaa markiiba ku yaraada fitamaiinadda qaar gaara fitamiinka muhiimka ah ee la yidhaa Fitamiin D, iyadoo sababata uu Soomaalida waddamada qabaw ee reer galbeedka deggan uga yaradaa inay tahay jidhkooda oo qorraxdda la qabsaday oo madaw, labiskooda gaara ahaan haweenka iyo iyagoo cunin cuno isu dheeli tiran sida kaluunka iyo khudaarta cagaaran, sida ay dhaqaatuurtu sheegayaan.
Huda Xaaji Nuur waa agaasimaha xarunta daryeelka caafimaadka ee Caafi ee Bristol UK. Soomaalida deggan Ingiriiska iyo dadka kale ee laga tiro badan yahayba ayeey ka caawisa xagga caafimaadka waxayna BBC u sheegtay “Caafimaadku waa waxa ugu muhuumnsan noloshaada, waa inaad markaad qurbaha joogto aad si joogta ah isu baarto oo aad la socoto xaaladahaaga caafimaad adigoo dhaylasan waxa jirkaagu kuu sheegayo,”.
Agaasimaha Caafi ayaa ka hadashay shanta cudur ee ugu weyn ee Soomaalida qurbahu la tacalaan ama khatarta ku haya:
Markaad cunto wax macaan, jidhkaagu wuxuu u baahan yahay inuu isticmaalo sonkortaasi haddii aanu jidhkaagu si habaysan u isticmaali karin sonkortaasi, qayb ka mid ah ayaa ku dhagaysa unugyadda dhiigga iyadoo dhiiga ka buuxsamaysa.
Xaaladda sonkorowgu waxay horseedi kartaa cagaha oo lagu gooyo, indho la’aan iyo wadno xanuun haddii aan la xakameeyn oo aan baaris joogta ahna qofka qabaa isku sameeyn, waxaa inta badan uu sababaa cunto xumo, cayilka, iyo jimicsi la’aanta.
Dhiig-kar
Marka wadnahaagu garaaca samaynayo wuxuu dhiiga u habaa jidhkaaga si uu u siiyo tamarta iyo oksajiinta uu u baahan yahay.
Qulqulka dhiigga ayaa cadaadis ku sameeya gidaarada xidida dhiiga. Xooga cadaadiskan ayaa la yidhaa dhiigkar.
Cadaadiska dhiigga maaha wax aad dareemi kartid ama aad ogaan karto.Habka kaliya ee aad ku ogaan karto ayaa ah in aad cabirto.
UK, dhiig-karka ayaa ah kan ugu wayn ee keena dhimashada degdega ah iyo curyaanimada isagoo adeegsanaya faalig, wadno xanuun iyo wadno istaag. Saddexdii qofba hal qof ayaa qaba dhiig kar maalin walbana 350 qof ayuu haleelaa dhiig kar laga-hortagi karo ama wadno xanuun uu keenay sida ay sheegeen ururka Dhiig karka ee UK
Kansarka
Cudurka kale ee Soomaalida qurbaha aad ugu fiday sida ay sheegayaan qiyaasaha aan rasmiga ahayd ee ay sameeyeen goobaha bukaan socodka ee la booqdo waxaa ka mid ah kansarka. Micnaha guud ee kansarku waxaa weeyi iyadoo aanay si caadi ah u shaqayneeyn unugyada jidhku, lakiin waqtiyadan dambe heerka badbaadada ee xanuunkaasi ayaa kor u kacday.
Iyadoo ay aad muhiim u tahay in hore loo ogaado oo qofku hadduu shakiyo ay tahay inuu is baadho, dadka qaar ayaa is diidsiiya ama ka wahsada inay dhkahtarkooda booqdaan.
Neefta ama xiiqda
Sida ay qeexday hay’ada caafimaadka ee Britian NHS Xiiqda waxaa keena marin-haweedka sambabadaada oo barara.
Qaabab kala duwan ayay dadka u saameyn kartaa, astaamuhuna way isbeddeli karaan muddo kadib.
Xiiqdu waa xaalad muddo-dheer jirta oo u baahan daawayn joogto ah, gaar ahaan neef-siiyeyaasha la nuugo, si looga hortago astaamaha maalinlaha ah iyo si loo yareeyo inaad qaado xiiqda. Astaamahaaga xiiqda waa inaysan faragelin hawl-maalmeedkaaga.
Haddii aad isku aragto astaamaha xiiqda markaa waa inaad la hadashaa kooxdaada xiiqda.
Dadka qaarkood waxay qabaan xiiq ‘daran’, taasoo aan lagu daaweyn karin daawaynada caadiga ah waxayna u baahan tahay inuu daaweeyo khabiir ku takhasusay xiiqda.
Xanuunka dhimirka ama maskaxda
Warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in qof ka mid ah lixdii qof ee UK ku nool uu qabo xanuun dhanka maskaxda ah.
Hay’adda caafimaadka ee Britain ee NHS ayaa baahisay in xanuunkaas uu saameeyay dadka da’dooda ay u dhexeyso 16 ilaa 64 sano.
Ha ahaato arrin qoys ama saaxiib, deris ama qof aad shaqo wadaagtaan; fursaddu waxay tahay in dadka oo dhan ay garan karaan qofka uu xanuunka saameeyay.
Dr Barre Jaamac oo ka hawlgala gobolka Northern Ireland ayaa sheegay in Soomaalidu ay kamid tahay bulshooyinka aad ugu nugul cudurraddamaskaxda waayo buu yiri ‘waa ogtihiin duruufaha soo qabsaday dadka Soomaaliyeed ee qurbaha qaxootiga ku yimid oo ah dad dagaallo iyo abaaro kasoo qaxay, immikana duruufaha qurbahu sameeyeen.
Sidoo kale isticmaalka maandooriyaha, werwerka iyo burburka qoyska ayaa qayb weyn ka ah dhibaatada haysta dadka Soomaaliyeed ee qurbaha.