( Xanta Suuqa) Chelsea Oo Suuqa Kala Iibsiga Qabsatay Da’yarna Gurubsaneysa Iyo Warar Kale Oo Xiiso Leh

Kooxda Inter Milan Ayaa Sii Dalbatay Dhaqtarka Caafimaadka Marsiin Lahaay Goolhahaye Josep Martínez Kaasoo Lasoowareegidiisa Lagu Dhawaaqi Doono Isbuuca Soo Socdo.

€15Milyan Oo Lacagta euro-ga Ah Ayaa La Xaqiijiyey In Lagu dhameeynaayo Heshiiska Goolhayaas Uu Kaga Imaanaayo Kooxda Genoa.

Wolves Oo Laba Ciyaaryahaan Lasoo Saxiixaneyso.

Jørgen Strand Larsen Iyo Pedro Lima Ayaa Lagu Wadaa In Ay Tijaabada Caafimaad Ka Gudbaan Inta U Dhaxeyso Isniinta Illaa Iyo Tallaadada.

Wolverhampton Waxa Ay Ku Dhawaaqeysaa Saxiixa Labadaan Ciyaaryahaan Isbuuca Soo Socda Waxaana Qiimahooda Uu Ku Kacaa € 40 Milyan Oo Euro Ah Oo Lasocoto Xoogaha Gunno Ah .

Chelsea Oo Xiiseyneysa Kiernan Dewsbury-Hall.

Kooxda Chelsea Oo Sheegtay In Ay Wadahal Kula Jirto Dhigeeda Kooxda Leicester City Taasoo Aay Kaga Dooneyso Laacibkooda Kiernan Dewsbury-Hall.

Heshiiska Gaarka Ah Ee Shaqsiga  Chelsea Hore Ayey ula Gaartay Laacibkaan Waxaana Ay Kawardhowrayaan Wadahadalka Usocda Ayaga Iyo Leicester City.

Wacdarihii Vinicius Junior Ee Copa América Ee Xalay.

Laacibka Garabka Kaduula Ee Xulka Brazil Vinicius Junior Ayaa Xalay Loo Magacaabay Laacibka Garoonka Ugu Fiicnaay Kadib Markii Uusoo Bandhigay Qaabciyaareed Indhaqad Leh Taasoo Uu Ku Burburiyey Xulka Paraguay Aisoo Kadhliyey Laba Gool  Kulan Ay Xulkiisa Kubadiyeen 1-4 .

Waxyaabihii Qaaska Ahaay Ee Uu Xalay Sameeyey Waa Kuwaan.

◉ 2 goals- Laba Gool
◉ 3 shots- Saddax Shuud
◉ 2 key passes- Baasas Muhiim Ah
◉ 7 dribbles completed- Tododbo Gambis Uu Dhameystiray
◉ 9 duels won- Sagaal Jeer Uu Ku Guuleystay Kubadaha Leyska Booday Ee Madaxa Lagu Doontay .

” Waxaan Rabnaa Inaan Brazil Dhigno Meeshi Ay U Qalantay ”

” Wey Adagtahay In Aad Ku Ciyaarto Garoomankaan Iyo Cooskaba Hadane Garsoorayaasha Wey Naga Soo Horjeedaan Ayagoo Aanan Noo dhigeynin Qaladaadka Nalagu Galay Sida Ay Inoola Dhaqmaan Guddiga Tartankaan Waa Wax Lagu Wareero” Sidaas Uu Dhahay Vinicius Junior Kadib Ciyaarta.

Philippe Coutinho Oo Ku Laabanayo Kooxdiisi Hore .

Laacibkii Hore Ee Liverpool, Inter Milan, Barcelona Iyo Kooxo Dhoor Ah Ee Philippe Coutinho Ayaa Kulaabanaya Waddankiisa Hooyo Ee Brazil Kadib Markii Uu Kufashilmay Yurub Illaa Iyo Wadamada Carabta .

Coutinho Ayaa Aqbalay Inuu U Laabto Brazil Waliba Kooxdiisi Hore Ee Vasco Da Gama Heshiiska Intiisa Badan Waa La Dhameeyey .

Sida Ay Qoreyso Globo Esporte Waxaa Lagu Jiraa Waqtiyadii Ugu Danbeeyey Ee Gaba Gabeynta Heshiika Coutinho Waxaana Aston Villa Oo Milkiyadiisa Leh Diyaarineysaa In Laacibkaan Albaabada U Furto Islamarkaan U  Daarto Nalka Cagaaran Si Uu Dhaqsi Ubaxo .

Chelsea Iyo Da’yar Maxaa Kala Heysta .

Kooxda Chelsea Ayaa Kusii Dhawaaneysa Lasoo Saxiixashada Laacibka Kooxda Reer Argentine Ee Boca Juniors Ee Aaron Anselmino.

Wadahadalka Wuxuu Marayaa Meelihii Ugu Danbeeyey Ayadoo Heshiiska Laacibkaan Qandaraaskiisa Lagu Jibin Karo Uu Yahay  $25Milyan Oo Doolar Heshiiska Shaqsiga Ahna Waaba Aay La Gaareen Chelsea.

Boca Juniors Ayaa Dalbaneysa Dhamaadka Heshiiskaan In Laacibkaan Ugu Yaraan  Uu Sii Joogo Kooxdooda 6 Bilood .

Roma Oo Dooneysa Ciyaaryahaan Qad Dhexe Ah .

Kooxda Kubadda Cagta AS Roma Ayaa Hormar Kasameeysay Xiisaheeda Ku Aadan Enzo Le Fée Oo U Ciyaara Kooxda Rennes Ee Kaciyaarta Horyaalka France Ee Ligue1 .

Leonardo Spinazzola Iyo Diego Llorente Ayaa La Filaa In Ay Katagaan Kooxda Roma Sidaas Darteed Waxa Ay Baadigoob Ugu Jirtaa Ciyaartooy Da’yar Ah Oo Tayo Leh Kuwaasoo Koooxda Dhaqaajin Kara  Waxaana Kamid Ah Laacibkaan Qadka Dhexe Ee Enzo Le Fée Oo 24 Jir Ah .

Chelsea Oo Soo Bandhigtay Omari Kellyman.

Omari Kellyman Oo Qalinka Ku Duugay Heshiis Waqti Dheer Ah  Asigoo Ciyaaryahaan Chelsea Ah  Waxaana Ay Laacibkaan Kala Soo Wareegeen Kooxda Aston Villa Waliba Qiimo Gaaraya £19 Milyan Oo Ginni .

Laacibkaan Da’da Yar Ee 18-jirka Ah Ayaa Qalinka Ku Duugay Heshiis Gaaraya Ilaa Iyo  June 2030 Wuxuu Pre-season-ka La Bilaaban Doonaa Macalinka Cusub Ee Kooxda Maresca Oo Asigane Kooxda Kusub .

Omari Kellyman Oo Kahadlay Imaanshiyahiisa Ku’aadan Chelsea Ayaa Yiri ” Waa Cajiib Inaan Halkaan Joogo Anigoo Ciyaaryahaan Chelsea Ah, Waa Naadi Weyn Oo Leh Taariikh Aanan Laga Sheekeyn Karin, Sidaas Daraateed Sharaf Ayey Iitahay Inaan Kusoo Biiro , Waana  Riyo Ii Rumowday”.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles