Ra’isul wasaare Xamsa iyo Booqashadiisi Masar (Warbixin)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qasriga Xukuumadda ee Baqdaad, ayaa labada Ra’iisul Wasaare kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Marwo Khadiija Maxamed AlMakhzoumi, iyo Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles