Madaxweyne Xasan oo afka furtay kadib qudbad oo jeediyay.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Itoobiya ayada tahay cidda caalamka wareegeysa ee leh Soomaaliya hanala heshiisiiyo.

Dowladda Itoobiya ayadaa caalamka wareegeysa ayadoo ka carareysa qaladkii ay gashay ee diblomaasiyadeed iyo midkii xeerarka caalamiga ahaa, ee dunidda ilbaxa ah ay ku dhaqanto, shalay ayada jabisay deris wanaaggii iyo ku dhaqanka qaanuunka caalamiga ah, maanta ayada wali diiddan inaan u noqono waddadaas saxda ah. Itoobiya iyada wareegeysa oo leh hanala heshiisiiyo Soomaaliya, xaalka Itoobiya maanta waa hasha ayada cuneysa oo cabaadeysa” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale fariin u diray madaxda iyo shacabka Somaliland, isagoo ka dalbaday iney iaaliyaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Walaaha reer Waqooyiga waxaan leeyahay hadii aan wada jireyno iyo hadii aan kala tageyno waa howl Soomaaliya u taalo ee nagama jirto Ajnabi”

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles