Ollie Watkins Oo Taariikh Cusub Sameeyey Iyo England Oo Marki Labaad Xiriir Ah Gaartay Final-ka Koobka Euro

Xulka Three Lions Ee England Oo Iska Xaadiriyey Kama Danbeysta Final-ka Koobka Euro 2024 Kaas Oo Ay Wajihi Doonaan Dhigooda Spain Oo Xalay Kasoo Farxalatay France Waxaana Uu Kulanka Dhici Doonaa Maalinta Axadda Soo Socota .

Geesiga Caawa Baal Dahab Ah Kagalay Taariikhda England Waa Ollie Watkins Kaas Oo Dhaliyey Goolka Guusha 90 Marki Ay Aheyd Ciyaarta Asigoo Badal Kusoo Galay Waliba Markiisi Ugu Horreysay Ee Uu Tartankaan Kaqeyb Galo Iyo Markiisi Labaad Oo Badal Uu Kusoo Galay Inta Kalena Uu Keyd Ahaay Waqtigaan Cajiibka Ahna Xulkiisa Usoo Saaray Final-ka 🔥🔥🔥

England Marki Labaad Oo Isku Xigta Ayey Final Tageysay Euro-gi Hore Waxaa Kaqaaday Italy Waliba Qaab Rigoore Rigoore Ah 2021 Balse Loo Xisaabinaayey 2020 Oo Xilligaas Corona Virus Dartiisa Dib Ugu Dhacay Hal Sano Hadane Spain Oo Waqtigooda Ugu Fiicnaay kadib 2012 Kujiraan ayey Wajahayaan Mar Labaad Malaga Ooysiin Doonaa Mise Markaan Waa Markooda Euro-goodii Ugu Horreeyey Ayey Hanan Doonaan Waa Qodob Axadda Kala Cadaan Doona .

Three Lions Caawa Waa U Qalmaan Habka Aay U Ciyaarayeen cajiib Ayey Aheyd Min Difaac Illaa Iyo Weerar Waa Isku Xernaayeen Halka Sidoo Kale Holland Fiicnaayeen Balse Habka Goolka Loo Raadinaayo Waxaa Haliis Ku Aheyd England Oo Kubbado Badan Goosha Holland Ku Toogteen Ugu Danbeynna Muhiinada Waa Gaareen.

Xulka 3-da Libaax Waligood Ma Qaadin Koobkaan Hadii Ay Qaadaan Liiska Xulalka Qaaday Ayey Soo Galayaan Oo Taariikh Cusub Ayey Sameynayaan Halka Hadii Spain Qaado Ay Ayagane Noqonayaan Xulka Ugu Badan Ee Euro Ku Guuleystay Ayadoo Haddaba Yihiin Balse Germany Ayaa Lasiman Balse Hadii Aay Qaadaan 4 Jeer Ayey Unoqonee .

England Malagu Koob Badsan Doonaa Oo Markale Ayey Malxiis Noqon Doonaan Mise Oraahdooda Aheyd “It’s Caming Home” Ayaa Markaan Run U Noqon Doonta Waxbadan Waa Lagu Ciil Ciilay Arrintaas .

Hambalyo Jamaahiirta 3-da Libaax Waa U Qalanteen Inaad Heerkaan Soo Gaartaan Marki Labaad Oo Xiriir Taasna Awoodiina Ayey Cadeyneysaa 🔥🔥🔥🙌🙌🙌

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles