Spain Oo Markii 4-aad Ku Guuleystay Euro Qalbadana Jibisay Xulka 3 Lions Oo Laba Jeer Isku Xigta Laga Ooysiiyey

Xulka Spain Ayaa Caawa Hantay Koobka Euro 2024 Ee Lagu Qabtay Dalka Germany Kaasoo Soo Bilaawday 14-ka June Ee Bishi Hore Waxaana Caawa Lagu Soo Gaba Gabeeyey Gigada Olympiastadion Ee Magaalada Berlin Waxaana Ay Spain 2-1 Kusuldaareen Xulka England Oo Markii Labaad Oo Xiriir Ah Koobkaan Laga Qaadaayo .

Kulanka Wuxuu Ahaay Mid Miisaanka Culus Ah Inkastoo Qeybta Hore Ay Aheyd Caajis Balse Qeybta Dambo Ayey Labada Xulba Soo Bandhigeen Kubado Miisaanka Culus Ah Oo Xulkasta Uu Natiijo Ku Raadinaayey Waxaana Sida Guud Gacan Sarreysay Spain Oo Markasta Favourite Aheyd .

Caawin Cajiib Ah Uu Sameeyey Laacibka Da’da Yar Ee Lamine Yamal Ayaa Waxaa Akoonka Spain U Furay Nico Williams Oo Gool U Sarrifay Caawintaas Waxaana Ay Spain Kadib Heleen Fursado Badan Oo Aay Ciyaarta Kudili Kareen Balse Uma Suurtagalin Illaa Iyo Intuu Gool Cajiib Ah Ku Barbareynin Laacibka Da’da Yar Ee Chelsea Cole Palmer Oo Caawin Cajiib Ah Kahelay Dhigiisa Jude Bellingham Taasoo Ciyaarta Kadhigtay Mid Adag .

Balse Gaba Gabadii Waxaa Geesiga Spain Caawa Noqday Oyarzabal Oo Dhaliyey Goolka Spain U Saamaxay In Ay Noqdaan Xulka Ugu Badan Ee Euro Ku Guuleystay Waliba Markoodi Afaraad Wuxuuna Kusoo Galay Badal Waxa Ayna Aheyd Daqiiqadii 86-aad Xilli Dhimasho Ah Oo British-ka Qalbada Jibiyey.

Oraahda Caanka Aheyd Ee “It’s Coming Home” Sida Ay British-ka U Dhahayeen Waa Ku Hungoobeen Markaan Waxa Ay Umuuqataa In Ay Noqoneyso ” It’s Never Coming Home” 🤣🤣🤣

Hambalyo La Roja Waa U Qalanteen Koobkaan Wadadi Aad Usoo Marteen Iyo Bandhiga Joogtada Ahaay Ee Aad Kujirteen Waa Kasoo Dhalaasheen Waana Gaarteen Muhiimada Hambalyo Marka Kale Vamos La Roja 🔥🔥🔥🙌🙌🙌

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles