Marka ay dadku rajeynayaan in ay ubad dhalaan, ma jecla in wax ka qaldamaan ilmaha. Balse ugu yaraan 20 kii qof ee uur leh qof ka mid ah ayaa waxaa soo wajaha xaalad aad u jahwareer badan oo loo yaqaano preeclampsia Soomaaliduna u garan ogyihiin ‘Kalaamiso’, waxaa jahwareer keena dhiig kar kaas oo dila 70,000 oo haween ah sanad walba iyo 500,000 oo caruur ah dunida oo dhan.

Horay suuragal uma ahaan jirin in la ogaado goorta ay qofka ku dhufaneyso – balse hadda waxbaa is badalay. Waxaa jira baaritaan dhiigga ah oo kaas oo dhaqaatiirta ka caawin doona in ay saadaaliyaan, xalna u helaan qofka wajahaya xaaladaan qatarta ah.

“Markii wax aan fiicnayn ku dhacaan qofka uurka leh, Waxaad rabi laheed in aad xilli horaba ka qabto, si aad uga badbaadiso dhib ku yimaada hooyada ama dhallaanka,” Sidaas waxaa yiri dhaqtar S. Ananth Karumanchi oo deggan Los Angeles.

uur

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Maxay tahay xaaladda kalaamisada?

Xaaladdaan ayaa waxay saameysaa hooyada iyo cunuga intaba, waxayna dhici kartaa qeynta dambe ee xilliga sidka ama kadib xilliga dhalmada. Waxyaabaha dhabta ee sababa ayaan ahayn kuwa la ogyahay.

Marka laga yimaado dhiig karka, waxaa ka mid ah calaamadaha kale ee lagu garan karo qofka xaaladdaan soo wajahayso in borotiin laga helo kaadidooda, madax xanuun daran oo ku dhaca, aragtida oo wax iska badalaan, iyo mararka qaar oo barar ka fuulo wajiga iyo gacmaha. Si guud marka la rabo in la ogaado waxaa borotiin laga fiiriyaa kaadida, waxaa sidoo kale la cabiraa cadaadiska dhiigga waxaana la sii raaciyaa tijaabooyin kale.

Marka haweenyda uurka leh uu hayo xaaladda preeclampsia, si dhaqsi leh ayay ugu sii xumaan kartaa, iyada oo sababi karta in xubnaha jirka ay dhaawacdo, in qalal ku dhufto, in ay dhiciso, in ilmuhu si fiican ugu kori waayo uurka iyo dhibaatooyin kalaba.

uur

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Sidee u shaqeeyaa baaritaankaan?

Baaritaanka ayaa ah mid la cabirayo walax ku jirta dhiigga taas oo laga ogaan kara in xaalad aan caadi ahayn ama xanuun hayo qofka, waana mid sheegaya waxa ka dhex dhacaya xilli walba oo tijaabadaas laga qaado dhiigga.

Xilligaan haatan la joogo waxaa jira dhawr baaritaan oo la sameeyo.

Waxaa jira mid ay sameeyaan Labcorp kaas oo loo diyaariyay nidaam ah ee xaalka lagu ogaado 11 ilaa 14 isbuuc iyada oo la eegayo uurka bukaanka iyada sida uu u kobcayo. Nidaamkaan ayaa ah mid looga hortagayo halista xaaladda kalaamisada ka hor 34 isbuuc xilliga uurka.

Baaritaanka cusub waa mid aad u wayn balse ma ahan mid badal u noqon kara garashada iyo go’aanada dhaqaatiirta, ayay tiri Eleni Tsigas, oo madaxa hay’adda aan faa’iido doona ahayn ee Preeclampsia Foundation.

Haweeneydaan ayaa xaaladaas waxaa ugu dhintay cunugeedii iyaduna waxay ku sigatay in ay geeriyooto sababo la xiriira kalaamiso aan la ogaan xilligeedii oo haleeshay ku dhawaad 20 sano ka hor. Xaaladaas ayaa mar kale ku soo noqotay markii ay uur labaad yeelatay waxaana ay dhashay ilmo wiil ah oo waqti badan ku dhex qaatay dhalada la galiyo caruurta xaaladda adag soo wajaha.

Baaritaanka ayaa gacan wayn ka gaysan kara markii sii ogaanshaha xaalado billow ah oo caafimaad sida hadii uu jiro dhiig kar xoogan iyo cayil saa’id ah.

Arrintaan ayaa waxay u fududeynaysaa haween badan in ay helaan daryeel, iyada oo dhaqaatiirtu ay si dhaw ula socon karaan halisaha daran ee soo wajihi kara lana socon karaan xaaladooda si joogto ah, sid ay sheegtay dhaqtar Karumanchi.

Bukaanada aan halis sidaas u badnayn ku jirin ayaa baaritaankaani waxa ka caawinayaa in ay helaan ka hortag aad u fiican.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ay haweenku aad u wajahaan xaaladdaan xilliga dhalmada, waxaana sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO wajaha xaaladdaan lambar badan oo hooyooyin ah iyo caruur intaba.