Nin muruq-maal ah oo dameer carruurta ugu xamaasha, ayuu dameerkii ka xaraarugay.

 Dhaqtarka xoolaha oo meel xoogaa ah degganaa buu isku sii qaaday. Dhaqtarkii waxa uu yimid dameerkii oo ay naftu deysay. Ninkii oo murugo adduun ay meel walba uga timid, baa isaga oo nolosha quus ka jooga, waxa uu dhaqtarkii weydiiyay: Dhaqtaroow, dameerkeygu xoow u dhintay?
Dhaqtarkii baaritaan dheer keddib, waxa uu ugu jawaabay: Nasiib darro dameerkaaga wadnaha ayaa istaagay!
Ninkii oo ilmadu ka tif leedahay, xoog xumada haysa; carruurtii oo subaxaan biil ka sugeysa, xoolo uu dameer kale ku iibsado oo aan gacan ugu jirin iyo cid deyn siinaysa oo aanu meel ku ogeyn, inta uu dameerkii meydka ahaa madaxiisa ag fariistay oo dhegta ka soo qabtay, buu ku calaacalay:
“Xoow wadnuhu kuu istaagay? Ma cawskaan kugu yareeyay? Ma Injineer aad eheed aasaad cid shaqo ku siisa weysay? Ma dhaqaalaad soo baratay aasaad suuqa khudaar ku gaddaa? Ma kulliyadda waxbarashada aad ka soo baxday aasaad taksiile noqotay? Ma sharciyada aad baratay aasaad dallaal noqotay? Ma injineerka Beeraha aad eheed aasaa deb-damis lagaa dhigay?”
“Ii sheeg waxa wadnaha ku joojiyay?”
“Ma deynaa lugugu leeyahay aasaad si aad u bixisid weysay? Ma liiska dadka dowladda shaqada ka sugaaya aad toban sano ku jirtaa? Ma ilmahaagaad dhar iideed u gada weysay? Wax aad guri ku kireysatid maad weysay? Ii sheeg xaa wadnaha ku joojiyay?”
“Ma bangi aad deyn ka qaadatay aasaad gudi weysay? Ma biilkii aad bixi weysay aasaa korontadii lagaa goostay? Ascaarta qaaliga noqotay maa ku dhibtay? Mushaarka aad qaadatid maa kiradii guriga ka badi waayey? Ma inta aad kelyaha beeshay oo si luguugu dhaqo aad isbitaalka u tagtay, aa lagu yiri sariiru ma bannaana ee dadka ku jiifa midkood inta oow ka dhimanaa iska sug booskiisaa lagu gelinaa maa lagu yiri?”
“Ma ii sheegi kartaa waxa wadnaha ku joojiyay? Ma kiiladii mallaay ahaa $8 lagu soo yiri? Ma kiiladii hilib ahaa $10 lagu soo yiri? Ma kiilo bariis ahaa $2 kugu noqotay? Ma badarkii ilmaha canjeerada looga dubaayay aa Bakaaraha laga waayey? Ma intaad caano suuqa u doonataa biyo ansareer ah lagaa soo gaday? Ma internetkii lacagta badan lagaaga qaataa kuu geli waayey? Ma adigoo iska lugeynaa aad qarax la kulantay? Weligaa islaanta oo fool ah adiga oo Bajaaj kula cararaa oo isbitaal ka gaarsii leh, check point ma ku soo dhacday oo inta qori indhaha lagaa geliyay “Oday, kala wareeg” ma lagu yiri? Jidadka dhan waa xiran yihiin oo meel loo xamaali tago ma leh maa lagu yiri ilmihii oo baahi la yuusaaya? Canshuur bixi maa lugu yiri iskoolkii oo lacag ah, isbitaalkii oo lacag ah, jid la maro leheyn, amni leheyn, ascaartuna cirka tahay?”
“Sheeg waxa wadnaha ku joojiyay? “Darxumada idin heysataan dareemay” maad i leedahay? “ Xilligaan xun xaa wadnahaaga joojiyay? Waqti aan saan dhaamo xoow kuu joogsa waayey?”
Wallaahul mustacaan ..
moqokori@gmail.com

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles