Galbeedka (Yurub iyo Maraykan) waxa ka jira dhaqan muddo fog caadi noqday, kaas oo ah in hooyada lasoo dhoweysto, aabbahana la fogeeyo.
Aabbaha kaalinta keliya ee qoyska uga bannaani waa in uu baahidooda dhaqaale daboolo. Haddii, sabab kastaa ha keento eh, uu kaalintaas ka gaabiyana, joogistiisu culays mooyee caaqibo kale qoyska uma ay laha.
Dhaqankaasi waxa uu kusii fidayaa dunida inteeda kale, gaar ahaan dunida Islaamka ah.
Waxa London ku nool dhallinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood garar waaweyn oo masaajid ku xiran, marka aad si quman u eegtana aad hubsanaysid in aanay aabbeyaashood haba yaraato eh wax ixtiraam iyo qaddarin ah u hayn. Arrintaas sababteedu waa khilaafaad qoys oo ka dhex jira hooyada iyo aabbaha.
Dhallinyarada (wiilal iyo gabdho) 90% waxa ay gar iyo gar darro kula saftaan hooyada, iyagoo aad mooddid in aabbeyaashu aanay ugu xisaabsanayn dadka u baarri noqoshadooda Jannada lagu galo, balse ay hooyooyinka uun yihiin.
Waxaynu dhaqan iyo caado u lahaan jirnay, Islaam ahaan iyo Soomaali ahaanba wiil aabbihiis garab taagan, shar iyo khayrna la qaybsada. Hase yeeshee, marka aad si quman u eegtid bulshada galbeedka ku dhaqan, waxad arkaysaa aabbeyaal badan oo shalay ka jooga waqtigii iyo maalkii uga baxay korinta carruur aan jiritaankoodaba citiraafsanayn.
‘’’ Nas’alul-Laahal Caafiyah ‘’’
moqokori@gmail.com