Abaal marin lagudoonsiiyay ururka dhalinyarada degmada Warsheekh (Sawiro)

Munaasabadd lagu abaalmarinayay degmooyinka ka qeyb galay tartanka ololaha Xus oo Xaaqo ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladaan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Dhallinyarada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Abwaano iyo marti sharaf kale.

Munasabadan waxaa shahaado sharaf lagu gudoomsiiyay Dhaliyarada Degmada Warshiiq oo qeyb ka ahaa ololaha #XusOoXaaqo.

Gudoomiyaha Dhalinyarada&Ciyaaraha Mudane Qaasim Sheik Hussein Xildhibaan Sacdia Abdullahi Ahmed iyo Agaasime Hassan Omar Ahmed Ayaa Muanasabadaa kaga qeyb galay.

Gudoomiye Qaasim Sheikh ayaa u mahadceliyay Maamulka Degmada oo ugu horreeyo Duqa Degmada mudane Mohamed Hassan Mataan Oo fududeeyay in ololahan #xusooXaaqo uu Degmada ka hirgalo, Maamulka qeeybahiisa kala duwan, Gudomiye Waaxeedyada, Ururadda Haweenka&Dhiyarada iyo Bulshaada reer Warshiiq qeeybahooda kala duwan.

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles