Afcon 2023: Sida ay Senegal hoggaanka ugu heyso kubbadda cagta Afrika

Morocco ayaa laga yaabaa inay taariikh dhigtay sanadkii 2022 iyadoo noqotay kooxdii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee gaarta fiinalka Koobka Adduunka ee Fifa, balse awoodda kubbadda cagta ee qaaradda waxay hoos taallaa xeebta Senegal.

Kooxda Teranga Lions (Libaaxyada Teranga) ayaa difaacanaya maqaamkooda Koobka Qaramada Afrika (Afcon) ee ka socda Ivory Coast, balse taasi weli ma dhowa.

Senegal ayaa sidoo kale horkaceysa horyaallada qaaradda ee heerka kuwa ay da’doodu ka hooseyso 17 iyo 20, waxayna xitaa ku guuleysatay Horyaalka Qaramada Afrika (CHAN), oo ah tartanka gudaha ee cayaartoyda oo markii ugu horreysay ay qaadday sanadkii hore.

Ragga Aliou Cisse ayaa ololahooda Kooxda C ku bilaabay kulan ay la yeelanayaan The Gambia maanta oo Isniin ah (14:00 GMT) iyagoo rajeynaya inay guuleystaan maaddaama Masar ay mar saddexaad oo isku xiga sanadkii 2010 guuleysatay.

“Waxaan keliya heysannaa hal xiddig,” ayuu yiri cayaartoygan 47 jirka ah, isagoo kala jeeda inuu koobka kor u qaaday hal mar oo keliya, sida uu sheegay.

“Waxaan u kulul nahay inaan mar kale guuleysanno, sii wadno inaan ku guuleysanno.”

Cisse qudhiisa wuxuu qeyb ka ahaa jiilka dahabiga ah ee asalka ah ee Senegal, kuwaasoo dhammeystay is reebreebka Afcon-kii 2002 kahor inta aysan gaarin afar-dhammaadka Koobka Adduunka dabayaaqadii sanadkaas.

El Hadji Diouf oo kooxdii hore ee caalamiga ka tirsanaa ayaa aaminsan in guushii dhowaan ee Senegal ay tahya natiijada iskaashi xooggan oo u dhaxeeya dowladda iyo ururka kubadda cagta ee dalka iyo sidoo kale maalgelin lagu sameeyay.

“Meel walba oo aad ka aaddo Senegal, dhammaan magaalooyinka waxay leeyihiin machadyo,” Diouf ayaa sidaa u sheegay BBC Sport Africa.

“Waxay ku bilaabaan iyagoo yar, ka yar 10 sano, kulamo ayayna leeyihiin sanad walba. Waxaa dooneynaa inaan taas horumarinno oo aan yeelanno isla ururka sida kuwa England iyo Faransiiska.

“Waxaa inaan hambalyo iyo mahadsanid dhahaa dowladdeenna sababtoo ah taasi waa siyaasad wayna bixiyaan lacagta. Madaxweynaha FSF-na, Augustin Senghor, ayaa si wacan u shaqeynaya.”

Hoggaanka Senegal ee cayaaraha Afrika wuxuu xitaa ku baahay cayaaraha xeebta, iyadoo dalkaasi uu ku guuleystay afar astaa oo qaaradeed uuna markii afaraad dhammeeyay Koobka Adduunka ee Cayaaraha Xeebta oo Ruushka lagu qabtay sanadkii 2021.

Marka laga soo tago sameynta iskuullo gudaha ah iyo kaabeyaasha, Souleymane Diallo, oo qeyb maalinta ka mid ah tababara kooxaha da’da qaranka ahna bare sare oo baaritaanka ka dhiga Jaamacadda Cheikh Anta Diop University oo ku taalla Dakar, ayaa sheegay in qaabab la sameeyay oo dhalinyarada heer caalam loogu soo dari karo cayaartoyda waaweyn.

“Senegal ayaa leh cayaartoy aan caadi ahayn waanan u samreynaa jiilalka,” ayuu Diallo u sheegay BBC Sport Africa.

“Heer hoose ahaan, waxaan leennahay saldhig weyn waxaanan ka sameyneynaa kanaallo cayaartoydan ay ku gaari karaan kooxda ugu horreysa.

“Ururka ayaa naga codsaday inaan cayaartoyda heerarka hoose soo bixinno, si jiil walba uu heer hoose uga soo gudbo uuna heer sare u yimaado.

“Haddii ay heerkooda dhammeystaan U17, waxay aadayaan U20. Haddii ay ku dhammeystaan U20 waxay aadayaan U23, ayay tiri kooxda CHAN iyo kooxdii ugu horerysay.”

Arrin kaler oo weyn oo qeyb ka ah istaraatiijiyadda muddada dheer ee Senegal ayaa ahayd hubinta xasiloonida tabarka. Cisse wuxuu qaabilsanaa Teranga Lions tan iyo March 2015, wuxuuna tartiib tartiib kooxda u gaarsiinayay guul.

Cayaartii looga baxayay rubuc-dhammaadka ee Afcon-kii 2017 (ganaaxyo ahaan) waxaa raacday guuldarro fiinalkii 2019, kahor inta aysan Senegal guul kaoso hoyn Cameroon sanadkii February 2022.

Xilligaas dalalka Galbeedka Afrika waxay ahaayeen kuwa qaaradda ugu sarreeya muddo afar sano ah kahor inta aysan ka qaadin Marooko kaddib taariikhdii ay ka dhigeen Koobka Adduunka.

Difaacashadooda magaca Afcon, walaacyo ayaa laga muujiyay xaqiiqda ah in qaar ka mid ah cayaartoyda ugu muhiimsan Senegal ay haatan ka dheelaan Sacuudi Carabiya, iyadoo gool-haye Edouard Mendy, kabtan Kalidou Koulibaly iyo Sadio Mane ay dhammaantood halkaas joogaan.

Horraan Cisse ayaa diiday inuu cayaartoyda ka xusho Saudi Pro League sababo la xiriira tayadooda hoose marka loo barbardhigo kuwa ugu sarreeya Yurub.

“Waxaan muujinnay inaan awoodno ku guuleysashada magaca markii aay heysannay cayaartoyda horyaallada ugu waaweyn Yurub,” ayuu yiri Cisse.

“Hadda waa inaan sidoo kale muujinnaa inaan kula guuleysan karno cayaartoyda ka dheela Sacuudi Carabiya.”

Diouf kuma qanacsana fursadaha Senegal ay koobka kusii heysan karto, wuxuuna leeyahay in weeraryahankii hore ee Liverpool iyo Bayern Munich Mane “uu doonayo inuu qof walba u muujiyo inuusan weli dhammeyn “.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles