Agaasimihi hore ee Nisa oo kahadlay magacaabista Agaasimaha cusub!

“Marka hore waxa aan si gaar ah ugu mahad-celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo isiiyay fursad aan ugu adeego dadkeyga iyo dalkeyga laga soo bilaabo May 26, 2022 ilaa maanta oo aan hayey xilka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, sidoo kale waxa aan u mahad-celinayaa Ra’iisul

Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo Golihiisa Wasiirada oo ila garab taagnaa kalsooni iyo wada shaqeyn hagar la’aan ah iyo Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Intaas kaddib, waxaan hambalyo u dirayaa Taliyaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo markale nasiib u yeeshay in uu maamulo Hay’adda NISA.

Ugu dambeyn, waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu adeegnay awood tan ugu sarreysa ee aan heli karnay, waxaana xusid mudan in shaqadaas adag ay laf dhabar u ahaayeen Saraakiisha iyo howl- wadeennada Hay’adda oo garab igu siiyay, waxaan leeyahay dhammaantiin waa mahadsantihiin.”

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles