Al-shabaab oo saakay weerar ku qaaday xarun kamid ah xarumada dowlada

Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe subaxnimadii Talaadada.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegay, inkasta oo aan weli faah-faahin rasmi ah ay kasoo bixin.

Waa weerarkii Shanaad oo Al-Shabaab ay ka fuliso Soomaaliya tan iyo markii la galay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Fariisinta ciidan ee la wareeray ayaa waxaa deganaa ciidamo ka tirsan dowladda ee qeybta ka ah gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Kooxda ayaa horey u weerartay Busley, Sanguni, Xinlab, SYL hotel iyo Daaru- Nimca oo ah midkan ugu dambeeyay.

Sikastaba ha ahaatee, tan iyo sannadkii hore, waa markii saddexaad oo dagaalyahannada ay weeraraan tuulada oo ay ku jiraan tiro kale oo badan oo lagu xoreeyay hawlgallo wadajir ah.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles