Alaab Helis ah oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho

Dekedda wayn ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale lagu qabtay kunteenar uu ku jiray maandooriye halis ku ah dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo la doonayay in la geeyo suuqyada dalka, si loo iib geeyo.

Maandooriyahan oo la qabtay 23-kii bishan ayaa maanta Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed waxa ay kusoo bandhigtay dekedda wayn ee Xamar, kadib markii uu soo galay ganacteeda.

Sarkaal u hadlay maamulka hay’adda ayaa xaqiijiyay inay la wareegaan maandooriyahan oo uu noociisu yahay Taabuu, kaas oo halis ku ah caafimaadka qofka.

qad kasoo baxday xafiiska maareeyaha Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed ujeedadnuna ay tahay wareejin maandooriye, ayada oo laga duulayo sharciga lambar 27 ee jaangoynta iyo taya-dhowrka Soomaaliyeed qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 2-aad iyo qodobka 9-aad, farqaddiisa 1-aad ee xeer nidaamiyaha baaritaanka iyo xaqiijinta badeecadaha” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Hay’adda Tayadhowrka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Haddaba Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed 23-kii bishan, 2024-ka dekedda Muqdisho ku qabatay maandooriye noociisu yahay Taabuu oo qatar ku ah caafimaadka qofka” .

Hay’adda waxa ay sheegtay in haatan maandooriyaha lagu wareejiyay ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isla markaana uu mari doono sharciga.

Maandooriyaha waxaa lagu wareejiyay saldhigga booliska ee dekedda Xamar, gacanta booliska ayuu ku jiraa sharciga ayuuna mari doonaa” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed ayaa horay uga digtay in dalka lasoo geliyo badeeco halis ah, waxayna si gaar ah digniintaas ugu dirtay guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Maandooriyaha waxaa lagu wareejiyay saldhigga booliska ee dekedda Xamar, gacanta booliska ayuu ku jiraa sharciga ayuuna mari doonaa” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed ayaa horay uga digtay in dalka lasoo geliyo badeeco halis ah, waxayna si gaar ah digniintaas ugu dirtay guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Todobaadkii hore ayaa sidan oo kale dekedda Muqdisho loogu qabtay 7 konteenar oo siday bur dhacay, sida ay sheegtay hay’adda Taya-dhowrka dalka.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in burkan ay ganacsato Soomaaliyeed kasoo iibsadeen dalka Turkiga, isla markaana ay doonayeen inay soo galiyaan suuqyada, si loo sii iibiyo.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles