Alshabaab oo qarax kudishay Saraakiil sare oo katirsan Nabad Sugida Qaranka (Warbixin)

Kooxda Alshabaab ayaa fulisay qarax khasaaro badan geestay kaasi oo  kadhacay xero ciidan oo ee ciidamada ATMIS kuleeyihiin degmada Qoryooley ee Shabeelada Hoose.

Qaraxaani oo ahaa mid aad uxooganaa ayaa waxa uu sababay khasaaro isugu jirto dhimasho iyo dhaawac iyadoo warar hor dhac ah oo lahelayo sheegayaan in halkaasi ee ku naf waayeen saraakiil sare oo katirsan NISA.

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo ka dhacay gudaha xero ay ciidanka ATMIS ku leeyihiin degmada Qoryooleey ee gobolka Sh.hoose.

Saraakiisha dhaawaca kasoo gaartay qaraxa ayaa waxa kamid ah Taliyaha saldhiga booliska Qoryooley Cali Waal iyo Talihihi hore nabad sugida degmada Qoryooley Cabdikariin Cadow iyadoo sidoo kale ee jirto dhimashada sarkaa sare oo katirsan nabad sugida kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Sandheere.

Qaraxa ayaa noqday mid saameen xoogan kuyeeshay xaalada degmada.

Wixi kusoo kordha kala soco wararkeena danbe

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles