Araar: Abdiaziz Realy, isma naqaan, Baadiyuna iguma jirto, Aniguna Baadi ma ihi.

1. ilintire: Md. Abdiaziz Realy, waxaan uga mahadcelinayaa Howsha wanaagsan ee uu ummadda u hayo, Ajir iyo Xasanaad Alla haka siiyo, waxa uu isku baadi goobay Ehel iyo Asaxaab muddo kala maqnaa oo qaarkood Geeri lagu tiriyay. Qaarna ay maqnaayeen Sanado ka horeeyay dhalshadii Baafiyaha. Waan hubaa in dhib badan kaa soo gaaray Baafinta, wakhti badan aad galisay, ka jawaabidda Wicitaanaduna ay kugu bateen.
2. Aragtire: Dadka iyaga Naftoodu is baafinayo.

Mudane Cabdicasis, waxaan ka codaneeynaa in uu baafiyo Dadka iyaga naftooda is raadinayo.
Waxaa Dalka guud ahaan iyo Gaar ahaan Magaalada Mogadishu ku soo badanayo Dad iyagu is raadinayo oo is waayay meel ay Jaan iyo Cirib dhigeen,oo iskuba heysto in ay Aduunkaan Saa’id ku yihiin.
Qaarkood waxoogaa ceeymasho ah ayeeyba leeyihiin, mar mar ayeey is helaan, haddana iyagii ayaa is waayo oo bilaabayo in ay is raadiyaan.
Suuragal ma kuu tahay in aad noo sameeyso Barnaamij gaar ah oo Dadka iyaga naftuudu is waayo ay iska baadi goobaan.
Waxaan aamin sanahay in Dad badan oo Baadi nafeed ay heeyso ay kula soo xiriiri doonaan. Mahadsanid.
Qore:Yahya Amir

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles