Arne Slot Mayahay Macalin Kuhaboon Shaqada Liverpool Kadib Klop (Warbixin)

Kooxda Liverpool Ayaa Xiriir La Sameeysay Dhigeeda Kooxda Reer Holland Ee Faynoord Ayagoo Kala Hadlaya Macquul Ahaansha Macalinkooda Arne Slot! Uu Xagaaga Danbo Maamulo Booska Uu Baneynaayo Jurgen Klop.

Liverpool Ayaa Kujirtay Macalin Raadin Tan Iyo Markii Macalin Klop Uu Ku Dhawaaqay Inuu Kooxda Katagaayo Dhamaadka Xagaaygaan Waxaana Ay Lahaayeen Dooqyo Farabadan Oo Uu Hogaaminaayey Xavi Alonso Balse Marki Danbe Iska Diiday Leverkusen-na Ku Adkeystay Inuu Sii Joogo .

Sidoo Kale Waxaa Lala Xiriirinaayey Ruben Amorim Macalinka Reer Portugal Iyo Kooxda Sporting Lisbon Kaasoo Shaqo Fiican Kaqabanaya Horyaalka Superligaha Portugal Balse Asigane Wuxuu U Muuqdaa Mid Aadaya London Kadib Markii Shalay Uu Joogay London Asigoo Wadahadal La Lahaay Maamulka West Ham Balse Wax Heshiis Ah Wali Ma Gaarin Waana U Furanyahay In Liverpool Laheshiiyo.

Maanta Wargeysyada Waxa Ay Qorayaan In Dooqyada Liverpool Uu Hogaaminaayo Arne Slot Oo Ah Macalin Shaqo Wacan Kaqabanaya Faynoord Asigoo Sanadkaan U Qaaday Koobka KNVB Cup Oo Ah Koobka Waddankaas Wuxuuna Sidoo Kale U Qaaday Horyaalka Waddankaas 2022-2023 Waa Macalin Kubbad  Furan Ciyaara Waliba Qaabka Liverpool U Ciyaarto Oo Ah 4-3-3.

Liverpool  Ahaan Hore Ayey Ula Xiriirtay Macalinkaan Waliba Wada Hadal Ayaa Usocda Waxa Ay Maanta Kudareen Laxiriirka Kooxda Uu Maamulo Balse Wax Walba Waqtiyada Soo Socda Ayey Cadaan Doonaan .

Macalinkee U Aragtaa Inuu Liverpool Kusoo Baxaayo  Arne Slot, Ruben Amorim Iyo Jose Mourinho Oo Daawanaayey Kulankii Liverpool Ay U Martiyeen Fulham Fikirkaaga Hoos Noogu Reeb Adigoo Mahadsan .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles