Arteta Oo Kahadlay Dhaawaca Saka, Pochettino Oo Si Dadban U Difaacay Gallagher Iyo Qodobo Kale.

Luka Sućić Oo Katagaya RB Salzburg.

Sida Lafahamsanyahay Luka Sućić Ayaa Larajeynaa Inuu Katago Kooxda RB Salzburg Xagaayga Ayadoo Dhoor Kooxood Oo Yurub Ah Doonayaan.

Qandaraaskiisa Haatan Ayaa Dhacaya June 2025 Waa Fursadi Ugu Danbeysay Oo Ay Salzburg Kuheli Karto Lacag Xiddigaan Waxaana Isha Lagu Haayaa Sida Ay U Maareendoondo Ayadoo Xiddiga Uu Doonayo Inuu Baxo.

Giovanni Manna Oo Kusoo Wajahan Napoli.

Giovanni Manna Oo Hadda Shaqo Kahaaya Kooxda Marwada Duqda Ah Ee Juventus Ayaa Lagu Wadaa Inuu Usoo Baqoolo Dhanka Iyo Napoli Oo Looga Gacan Haatinaayo Siduu U Noqon Lahaay Agaasimahooda Cusub .

Waxaa Lagu Wadaa Dhamaadka Fasalkaan Inuu Juve Kasoo Tago Islamarkaana Uu Heshiis Shan Sano Ah Uu Qalinka Ku Duugo Asigoo Hogaan Ka Noqonaayo Qorshaha Cusub Ee Napoli Ee Fasalka Soo Socda Dhammaan Feelalka Arrintaan Waa Diyaar In La Saxiixo Lee Ka Dhiman .

Arteta Oo  Kahadlay Dhaawaca Saka Ee Kulankii Man City .

Bukayo Saka Ciyaarayaha Caalamiga Ah Ee Xulalka Dhaawac Yar Oo Uu Qabay Ayuu Uga Haray Si Kulanka City Uu Diyaar Ugu Noqdo Balse Taas Ma Dhicin Arteta Ayaana Kula Deg Degay Kahor Intuusan Diyaar Buuxda Noqonin Sidaas Darteedna Jug  Kale Sii Gaartay Inta Lagu Guda Jiray Kulankii City Iyo Arsenal .

Macalin Arteta Oo Arrintaas Kahadlaya Ayaa Wuxuu Dhahay ” Wuu U Dhawaay Inuu Soo Kabto Balse Wuxuu Markale Dareemay Wax Aad Ugu Dhaw Wixi Uu Dareemay Kulanka Aan Wajahnay City Waxa Ayna Aheyd Mid Aad U Gaaban”.

” Waxaan Ku Rajaweynahay Inuu Maanta Tababaran Karo Islamarkaana Uu Diyaar Noqon Karo Dhamaadka Isbuuca”.

Pochettino Oo Kahadlay Arrinta Gallagher Ku Aadan Inuusan Salaanta Ka Qaadi Mid Kamid Ah Macots-ka Chelsea.

Wuxuu Muujiyey In Ficil Ahaan Uusan Ku Faraxsaneyn Balse Wuxuu Tilmaamay In Aysan Aheynin Sida Laga Dhigaayo Wuxuuna Yiri Sida Tan” Attention Ama Taxadar Uma Laheynin Wey I Murugeyneysaa Taas, Isaga Waa Ciyaaryahaan Weyn Si Wacan Ayuu U Sameeyey Labada Mascots-ba Marki Aad Ciyaareyso Kubadda Waxyaabo Badan Ayaa Diirada Saareysaa Bilaawga Kulanka Wax Walba Ayaana Dhici Kara”.

” Dadka Waxa Ay Isku Dayayaan In Ay Wax Ka Helaan Sidaan Oo Kale Si Ay Hadal Heyn U Abuuraan, Waa Aqaanaa Conor Inkirid Mascot La Inkiro Marnaba Kuma Dhaco” Sidaas Ayuu Kusoo Gaba Gabeeyey Hadalkiisa .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles