Ashley Cole Oo Kasoo Muuqday Hall Of Fame Iyo Qodobo Kale Oo Xiiso Leh

Ku Guuleystaha 3-da Jeer Ee English Premier league Ashley Cole Ayaa Kasoo Muuqday Frame-ka Hall Of Fame Ee EPL Asigoo Arrintaas Kahadlayana Waxa Uu Yiri .

“Waa Qiiro Inaan Ku Soo Biiro Hall Of Fame Oo Ay Wehliyaan Alan Shearer, Henry Drogba Iyo Rio Ferdinand, Waana Ku Faraxsanahay Inaan Kubiiro Ayaga” .

Toni Kroos Iyo Mustaqbalkiisa Iyo Mbappe Oo Uu Kahadlay .

Toni Kroos Waxaa Uu Kahadlay Mustaqbalkiisa Isagoo Sheegay In Hal Ama Laba Bilood Gudahood Uu Go’aan Kaga Gaari Doono Asigoo U Waramaya TVE .

Madrid Ayaa Rajo Kaqabto In Ay Soo Ceshato Xiddigaan Da’da Ceyrsaneyso Balse Wali Kubadda Aysan Kadhamaanin Kaasoo Hadda Dib Ugu Soo Laabtay Xulkiisa Germany Oo Marti Galinaya Euro 2024 Wuxuuna Habeen Hore Caawiyey Gool Qurux Badan Uu Dhaliyey Florian Wirtz Kulanka Ay 0-2 Kaga Badiyeen France Oo Ay U Martiyeen .

Mar Wax Laga Weydiiyey Arrinta Mbappe Waxa Uu Yiri ” Waxaan Marwalba Dooneynaa In Ciyaartoyda Ugu Fiican Dunida Ay Joogaan Madrid Asigane Waa Mid Kamid Ah Kuwaas Laakin Magaranyo Go’aankiisa” .

Vitor Roque’ Iyo Joogitaankiisa Barcelona.

Wiilka Vitor Roque’ Oo Lagu Magacaabo Andrè Cury Ayaa Sheegay In Ciyaaryahaankiisa Uu Aad Ugu Faraxsanahay Barcelona Islamarkaana Uusan Meelna Uga Soconin Sikastoo Ahaato .

“Jir Ahaan Iyo Maskax Ahaanba Aad Ayuu U Fiicanyahay Wuxuuna Sugayaa Daqiido Badan Si Uu Garoonka Dhaxdiisa Ugu Cadeeyo” Sidaas Waxaa Dhahay Wakiilkiisa Oo Rajeynayo In Ciyaaryahaankiisa Waqti Kufilan Helo .

Asigoo Kahadlaya Macquul Ahaanshaha Inuu Katago Barce Ayaa Yiri ” Run Ahaantii Waxaa Jira Kooxo Badan Oo Saf Ugu Jiraan Xiddigaan Islamarkaana Diyaar U Ah In Ay Kabixiyaan €50m Oo Euro, Laakiin Vitor Meelna Uma Socdo Xattaa Hadii Kooxda Ay Amaahiso, Isaga Waxaa Ka Go’an Inuu Guulo Lagaaro Barcelona”.

Gabagabadii Wuxuu Kusoo Qatimay In Macalinkiisa Xavi Uu Aad U Jecelyahay .

Yuri Berchiche Oo Athletic Club Lasii Joogayo.

Xiddiga Reer Spain Ee U Ciyaara Athletic Club Yuri Berchiche Ayaa Qalinka Ku Duugay Heshiis Cusub Kaas Oo Gaaraya Ilaa June 2025 .

Sidoo Kale Waxaa Jira Ikhtiyaar Lagu Daray Kaasoo Ah In Lagu Kordhin Karo Sanad Dheeraad Ah .

Loolanka Koopmeiners Ee Juve Iyo Liverpool.

Xiddigaan Qadka Dhexe Ee U Ciyaara Atlanta Ayaa Waxaa Isha Ku Haayaan Kooxo Yurub Kadhisan Haba Ugu Dhawaadaan Juventus Iyo Liverpool.

Liverpool Isha Ayey Ku Heysaa Xiddigaan Wacdareynaya Balse Waxaa Kaga Horreyso Marwada Duqda Ah Oo Goor Hore Xiriir Ula Sameysay Wakiilkiisa .

Tuttosport Oo Kasoo Baxda Italy Waxa Ay Sheegtay In Juve Iyo Wakiilka Meel Isla Dhigeen Mushaarka Xiddiga Uu Sanadkii Qaadanayo Kaasoo Lagu Heshiiyey €4.5m Net Per Season.

Juventus Waxa Kaliya Ay Hadda Sugeyso Waa In Ay Heshiis Lagaarto Atlanta Taasoo Ciyaaryahaanka Ku Qiimeysay Qiimo Gaaraya €60m Oo Euro Qiimahaas Kayarna Aysan Kabixin Doonin Ciyaaryahaankooda Sida Wararka Italy Ka Imaanaya Sheegayaan .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles