Baarlamaanka Jarmalka oo meel mariyay arin saameeyn kuyeelan doonto dadka kunool dalkaasi

Baarlamaanka Jarmalka wuxuu shalay ansixiyay In hadda kedib dalkaan qof walba uu awoodo sanadkii halmar jinsigiisa inuu bedelo.

Micnaha xafiiska dowladda ayuu qofka marka ay ka qabato asigoo jirkiisa waxba ka bedelin tagayaa, asigoo rag ah ayuu dhahayaa dumar inaan ahay ha la ii qoro, ama ayadoo gabar ah ayay dhihi kartaa nin inaan ahay ha la ii qoro. (Awal sidaas uma sahlanayn).

Ilmaha 14 sano jir marka ay gaaraan ayagoonan u baahan ogolaansho waalid ayay dhanka dowladda kasoo qoran karaan jinsiga ay rabaan.

Sidoo kale in waalidka marka ay ilmo dhalaan ay awoodaan ayagoo wiil dhalay inay gabar ahaan u diiwaan geliyaan dhanka dowladda ama ayagoo gabar dhalay ay wiil ahaan u diiwaan geliyaan.

Ilmaha markii uu 5 sano gaaro kedib ayuu xaq u yeelanaa inuu ka hadlo wuxuu rabo iyo wuxuusan rabin.

Sidoo kale qofka jinsigiisa bedelay inuu si sahal ah magaciisa u bedeli karto, Farxiyo ayaa Faarax la bixi karta, hadhoow haddii aad magaceedii hore ugu yeertid oo ay ku dacweyso ganaax 10,000€ ayaa ku sugi kara.

Kilaabyada, Saunada iyo meelaha dabaasha dadka maamula ayaa go’aan ka gaari haddii tusaale nin sheegtay inuu dumar yahay inay u ogolaanayaan suuliyada dumarka iwm iyo inkale.

Siyaasiyiinta qaar ee mucaaradka ah ayaa aad u dhaliilay sharciyadaas, balse arrinka halkaas ayuu marayaa, yaab badan ayaana jiro.

FG: Waa muhiim in dalkan waxa ka jira ama waxa kasoo korordha bulshada lala socodsiiyo.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles