Banaanbax gilgilay dunida iyo Soomaalida oo qeyb ka ah.

Dibad-baxayaal taageeraya Falastiiniyiinta ayaa qabsaday dhismo ku yaalla Jaamacadda Columbia Talaadadii iyaga oo ka mudaaharaadaya dagaalka ay Israa’iil ka waddo Qaza.

Booliska magaalada New York ayaa saacado ka hor galay Jaamacaddaasi, iyagoo isku dayaya in ay kala eryaan mudaaharaadayaasha taageersan Falastiin, kuwaas oo qabsaday dhismeyaal ka mid ah fasallada Jaamacadda muddo laba todobaad ah.

Mudaaharaadayaasha ayaa soo bandhigay boorar ay ku qoran tahay “Hoolka Hind”, oo calaamad u ah dhismaha loogu magacdaray ilmo 6 jir ah oo Falastiini ah oo ay ciidamada Israa’iil ku dileen Gaza.

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles