Muxuu salka kuhayaa Banaanbax qaban qaabadiisa Muqdisho laga dareemayo

maanta oo ah maalin isniin ah waxaa magaalada moqdisho ka socdo qaban qaabo banaan bax iyadoo haatan uu marayo gaba gabo.

Bannaanxa oo uu soo qaban-qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ah mid ballaaran oo ay kasoo qayb-galayaan Masuuliyiin, waxaana si weyn loogu taagerayaa Qorshaha wax ka bedelka Dasturka ee uu wado Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dadka shacabka ah ayaa kusoo waaberiistay waddooyinka qarkood oo aan loo ogolayn in gaadiidku maro, waxaana la arkayaa dad farabadan oo goobaha shaqada lug ku tagaya.

Waxaana gabi ahaanba xiran Qaar ka mid ah Waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda, iyadoo la arkayo Ciidamo aad u farabadan oo sugaya ammaanka, sidoo kalena goobaha qaar ka celinaya gaadiidka dadweynaha.

Ugu danbeyn waxaa la filayaa in masuuliyiin ka tirisan dowladda ay la hadlaan dadweynaha isku soo baxay. islamarkaa iyadoo si weyn loo taageeri doono wax ka bedelka dastuurka.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles