Beeraleyda Jaadka ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta jaadka mudo.

Beeraleyda jaadka ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in muddo 7 maalmood ah ay hakiyeen  dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya.

Go’aankan ayaa waxay ku sheegeen inay uga jawaabayaan caqabadaha soo wajaha beeralayda qaadka ee dalka Kenya, kuwaas oo tilmaamay inay walaac ka muujinayaan qiimaha lagu canshuuro qaadka ay u iibgeeyaan Soomaaliya.

Beeralayda jaadka ayaa dalbaday in wax laga qabto walaaca ay muujinayaan, iyagoo ugu baaqay masuuliyiinta Kenya in ay wax ka qabtaan cabashadooda.

Waxay sheegeen lacag dhan 80,000 oo ah lacagta shilinka Kenya ah in looga qaado garoomada diyaaradaha.

Bishii July 2022, Soomaaliya ayaa ogolaatay in dib loo bilaabo dhoofinta Miirowga ee Kenya. Go’aankan ayaa lagu gaaray kulan dhexmaray madaxweyne Xasan Sheikh iyo dhiggiisa madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles