Benitez Oo Shaqada Laga Ceyriyey Iyo Qubano Kale .

Benitez Iyo Celta Vigo.

Kooxda Kubadda Cagta Celta Vigo Ee Katirsan Horyaalka Laliga Ee Spain Ayaa Ceyrisay Macalinkeeda Rafa Benitez Kadib Markii Uu Ku Fashilmay Shaqada Kooxdaas Ayadoo Kaalinta Heerka Hoose Ujirta 2 Dhibic Kaliya Horyaalkana Uu Marayo Heer Gabo Gabo Ah .

Edwards Iyo Liverpool.

Maamulka Liverpool Ee Marka Lasoo Gaabiyo Loo Yaqaano FSG Group Ayaa Ku Dhawaaqay In Madaxa Cusub Ee Kooxda Loo Magacaabay Michael Edwards Kaasoo Hore U Ahaan Jiray Agaasimaha Kooxda Kahor Inta Uusan Katagin .

Hadda Waxaa Loo Magacaabay Xilki Hore Mid Kaweyn Kaasoo Sports Director-ka Guud Ee Wax Walba Hoos Imaanayaan Agaasimaha Iyo Wixi Lashaqeeynaaya Dhammaan Asigaa Magacaabaayo Kooxda Asigaa Looga Danbeynaa .

Wuxuu Hore Usoo Wadan Doonaa Agaasimaha Kooxda Bournemouth Richard Hughes Oo Wararka Qaar Sheegayaan Inuu Liverpool Hore Heshiis Ula Gaaray Islamarkaana Uu Imaanayo Xilli Ciyaareedka Dhamaadkiisa Sidaasna Uu U Hoostagaayo Edwards.

Hughes Wuxuu Shaqo Adag Ka Qabtay Kooxda Yar Ee Bournemouth Taasoo Uu Keenay Xiddigo Mustaqbal Fiican Leh Kooxo Badanne Ay Baadigoobayaan .

Greenwood Iyo Barcelona.

Kooxda Barcelona Ayaa Ka Shaqeyneysay In Ay Xiriir La Sameeyaan Xiddiga Ay Leedahay Man United Ee Mason Greenwood Kaasoo Amaahda Ugu Ciyaaro Kooxda Getafe.

United Waxaa U Furan In Ay Iibiso Xiddigaan Islamarkaana Ay Xal U Hesho Mustaqbalka Greenwood Sida Lasheegay Horaantii Todobaadkaan Balse Barce Waxa Ay Diirada Saareysaa Hadda Bartilmaameedyo Kale Oo Ka Duwan Greenwood.

Pochettino Iyo Kulankii Xalay Kadib

Macalinka Kooxda Chelsea Ee Pochettino Oo Hadlay Xalay Kadib Guushii Dirqiga Aheyd Ay Kooxdiisa 3-2 Kaga Badiyeen Kooxda Newcastle Ayaa Waxa Uu Qeexay In Ay U Baahanyihiin In Tageerayaasha Iyo Dadka Kale Fahmaam In Ciyaartoyda Da’yar Yihiin Islamarkaana Ay Kujiraan Mashruuc Kaduwan Kuwii Hore .

Wuxuu Yiri ” Dadka Qaar Waa Ku Wareeri Karaan Waxaan Nahay Chelsea Kaduwan Middi Hore , Xiriirka Igala Dhaxeeyo Maamulka Waa Mid Wanaagsan” .

Maku Raacsantahay In Pochettino Hadalkiisa Uu Sax Yahay Islamarkaana Mudanyahay In Loo Dulqaato Asiga Iyo Ciyaartoydiisa Oo Halgan Dheer Ugu Jiraan In Noqdaan Koox Adag Oo Tartami Karto Halka Hadda Ay Fadhiyaan Kaalin 11-aad Fikirkaaga.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles