Benzema Oo Quus Kataagan Sacuudi Pro League Iyo Qodobo Kale Oo Xiiso Leh

Macalin Tuchel Ayaa Wajahaya Xaalad Aad U Cakiran Wuxuuna Bayern Dhaxalsiinayaa Records Aad U Xun Sida In Bayern Laga Badiyo 5 Kulan Bundesliga Xilli Ciyaareed Gudihiis Waxaa Ugu Danbeysay 2011/12 Xilli Ciyaareedkii Iyo Record Kale Oo Xun Kaasoo Ah In Bayern Kabadiso Koox Kasoo Dalacday Heerka Hoose Ilaa Iyo 2000 Waana Mid Ceeb Weyn Ku Ah Bayern Kalanka Galabta 3-2 Looga Badiyey.

Sidaas Oo Ay Tahay Waxaa Laleeyahay Kulanka Arsenal Wuu Leylin Doonaa Waxcarqalad Ahna Kuma Jiro Arrintaas Balse Sida Iska Cad Dhamaadka Fasalkaan Boorsadiisa Ayuu Ka Qaadan Doonaa Alienza Arena Stadium.

Christopher Freund Oo Madaxa Kooxda Bayern Wuxuu Tibaaxay In Ay Kujiraan Raadinta Macalin Cusub Oo Kooxda Maamula Wuxuuna  Xusay Julian Nigelisman Inuu Kujiro Waliba Uu Aaminsanyahay Hab Maamulkiisa Laakiin Wuxuu Sidoo Kale Tilmaamay In Ay Jiraan Macalimiin Kale Oo Uu Aaminyahay Islamarkaana Aytahay Midka Ugu Haboon In Ay Keenaan.

Nigelisman Hadda Leyliya Xulka Germany Waa Macalinki Ay Sida Qaldan U Buriyeen Kaasoo Lagu Eedeeyey Inuu Xakameyn Waayey Qolka Labiska .

Kabtan Kevin De Bruyne Ayaa Gaaray 100 Gool Asigoo Ciyaaryahaan City Ah Kadib Bandhig Indhaqabad Leh Oo Uu Maanta Kasoo Bandhigay Kulanka Ay Kooxdiisa Umartisay Crystal Palace Kaasoo Ay Ku Qaarijiyeen 2-4 .

In 100 Gool Iyo 167 Caawin 372 Kulan Lagu Sameeyo Waxa Ay Ka Dhigeysaa Ninka Sadaxaad Ee Ugu Goolasha Badan Kooxda Man City Taariikhda Xiddigaan Reer Belgium.

Cerezo Oo Ah Madaxweynaha Atlético Madrid Ayaa Wax Caadi Ah Kutilmaamay Rabitaanka Joào Félix Ee Ku Aadan Camp Nou.

Wuxuu Cadeeyey Inuusan Wax Dhib Ah Kuqabin Sidoo Kale Wuxuu Ammaanay Xiddigaan Oo Kutilmaamay Mid Aanan Caadi Aheynin Balse Wuxuu Isweydiiyey Inuusan Garaneyn Sida Leysku Fahmi Doono Qiimaha Xiddigaan Iyo Sida Barcelona Ubixin Karto .

Karim Benzema Xiddigii Hore Ee Madrid Iyo Xulka France Ayaa Wajahaya Xaalad Aad U Cakiran Oo Ku’aadan Kooxdiisa Al Ittixaad Taasoo Sababtay Inuu Kadhaqaaqo Kooxda .

Benzema Tan Iyo December Kooxda Gool Uma Dhalinin Form Xun Ayuu Kujiraa Kooxdana Mushaar Badan Ayuu Kaqaataa Mana Caawinaayo Sidaas Aawgeed Ayaa Loo Weydiiyey Mustaqbalkiisa Xilli Ciyaareedka Soo Socda Wuxuuna Yiri :

” Waa Arkeynaa Aniga Ahaan Waxa Ugu Muhiimsan Waa Shaqadeyda Halkaan Aan Kawarsugno Mustaqbalka Waxa Dhaca”.

Su’aal Ku Aadan Galdhalintiisa Tan Iyo December Oo Laweydiiyey Wuxuu Yiri ” Ma Ahi Benzema-hii Real Madrid Oo Kale Maxaa Yeelay Ma Ahin Isku Kulamo Iyo Isku Ciyaartoy Waxaan U Baahanahay Caawin Waxaan U Baahanahay Waxbadan Kaligeyna Kulamo Ma Guuleysan Karo”.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles