Biden oo ka falceliyay walaaca ka dhashay bandhiggiisii dooddii uu la galay Trump

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Jimcihii ka hadlay walaaca ku saabsan waxa guud ahaan taageerayaashiisa iyo qolyaha dhexdhexaadka ah ay u arkeen bandhig liita oo ku aadan dooddii uu Khamiistii la yeeshay Madaxweynihii hore Donald Trump.

Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa hadda ugu baaqaya in uu ka haro tartanka madaxtinimada, laakiin falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa sheegaya in madaxweynaha hadda talada haya Biden uu weli hayo dariiqii uu ku xaqiijin lahaa magacaabista xisbigiisa ee musharraxnimada madaxtinimada.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles