Bilashada Bisha Ramadaan oo aad leesugu Qilaafay

Dunida Islmaamka oo isku qilaaftay Bilashada Bisha Ramadaan (warbixin)

Qilaaf xoogan oo kadhashay sugnaashaha dhalashada Bisha Ramadaan oo siweyn loogu kala qeybsamay.

Iyadoo qeybo badan oo kamid ah muslimiinta Caalamka ee maanta utahay maalinta kowaad ee Bisha Ramadaan ayaa sidoo kale wararka la xiriiro dhalashada bisha Ramadaan ee sheegayaan iney jiraan dad aad utira badan oo muslimiin ah kuwaasi oo ee maalin Shacbaan ah ee utahay maanta.

Wadamada sii iclaamiyay iney maanta utahay maalin shacbaan ayaa waxa kamid ah wadamada, Australia, Singapore, Indonesia, Malaysia, Brunei, India, Pakistan, Afghanistan, Bangladesh, South Afrika iyadoo sidoo kale aad loogu kala qeybsamay wadamo ee kamid yihiin Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Hogaamiyayaasha diinta ee wadamaan aan maanta laga soomin ayaa soo saaray bayaan ee ku cadeenayaan in maanta ee tahay maalinta udambeeso ee bisha shacbaan, bilashada bisha ramadaana ee ku began tahay maalinta Tallaadada.

Meelaha sida aadka ah leesugu qilaafay ayaa waxa kamid ah Soomaaliya halkaasi oo maamulada Siyaasada sida Dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada ee labadan go’aamiyeen iney tahay maalin ramadaan ah ayaa hadana waxa jiro in dad aad utira badan ee utahay maalin shacbaan ah.

Muslimiinta aan maanta sooneen ee gudaha Soomaaliya ayaa waxey ubadan yihiin dadka taabacsan culuma’uidiinka Ahlusunnah Waljamaac kuwaasi oo u arko iney diinta meelna kasoo galin inlagu soomo aragtida wadanka kale, sida Sacuudiga.

Qilaafka aragtida Bisha Ramadaan iyo maalinta ciida ayaa ah mid had iyo jeer kadhax jira gudaha Soomaalida ayaa hadana waxa baryihi danbe si aad ah usii xoogeestay bacdamaa ee dadka qaarkii ufasireen in arin diini ah ee tahay in Sacuudiga loo daba fadhiisto go’aan ka gaarida bilshada Bisha Ramadaan.

Warsheekh muqdisho.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles