Booliska miyaa ku qasba eedeysanaha in uu soo xirto dharkii uu muuqaalka isaga duubay, sawirkase sidee looga qaadaa?

Eedeysanayaal boolisku soo xiray

XIGASHADA SAWIRKA,TALISKA QEYBTA GUUD BOLIISKA G.BANAADIR

Qoraalka sawirka,Taliyaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada qaar ee isticmaasha barraha bulshada in ay ku badallaan muuqaalada kicinta iyo anshax xumada, kuwa dadka iyo dalka wax taraya.

Booliska magaalada Muqdisho ayaa soo xiray dad ka badan 30 qof todobaad kii ugu dambeeyay, kuwaas oo ku eedeysan fallal lidi ku ah amniga, kicin dadweyne, iyo faafin anshax xumo.

Dadkan oo dhammaantood horey uga soo muuqday telefishano maxali iyo barraha bulshada ayaa jeediyay haddallo ay ku durayaan go’aanno maxakamadeed oo soo baxay, hanjabaado loo jeediyay madaxda dawladda iyo warrar u muuqaday kicin qabyaaladeysan.

Dadka la soo xiray qaarkood ayaa dhigay bannaanbaxyo rabshado wata kuwaas oo ay ku diidanaayeen degmo cusub oo looga dhawaaqay xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha booliska Soomaliya Janaraal Sulub Axmed Firin oo ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay kordheen dhaliyarada u isticmasha barraha bulshada sida aan saxda ahayn, wuxu hoosta ka xariiqay in boolisku xaq u leeyahay in uu soo qabto, isla markaana uu geeyo saldhigyada, muwaadinka sameeya wax sharciga ka baxsan, lana waydiiyo sax ahaanshaha wixii uu ku hadlay.

‘’Qofka makarfoonka qaatay ama muuqaal iska duubay baraha bulshada ama dadka Soomaaliyeed hortooda wax ka sheegay, wuxuu sheegay ayaa laga rabaa in uu caddeeyo, wax kale oo loo haysto oo loo geysanayo ma jirto, hadduu cadeyn waayo sharciga ayaa la horgeynayaa, wixii uu ka helo ayuuna leeyahay,’’ ayuu yiri taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Janaraal Sulub.

Taliyaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada qaar ee isticmaasha barraha bulshada in ay ku badallaan muuqaalada kicinta iyo anshax xumada, kuwa dadka iyo dalka wax taraya.

Sidee ku dhacday eedeysanayaasha la soo xiray in lagu soo qabto dharkii ay muuqaallada isaga duubeen?

Askari eedeysane ah oo la soo xiray

XIGASHADA SAWIRKA,TALISKA QEYBTA GUUD BOLIISKA G.BANAADIR

Qoraalka sawirka,Dadka barraha bulshada isticmaala ayaa aad u hadal haya waxa isku beegay dharka lagu soo xiray iyo kii ay wateen markii ay hadallada xanafta leh jeedinayeen.

Sawirrada eedeysanayaasha uu baahiyay Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa muujinaya iyagoo xiran isla dharkii ay muuqaallada isaga duubeen, iyagoo siyaabo kala duwan uga hadlaya dhacdooyin ay kamid yihiin xukunno ay gaareen maxkamaddaha dalka, diidmo amarro horey dawladda uga soo baxay, iyo hanjabaado loo jeediyay madaxda dawladda iyo kuwa garsoorka.

Dadka barraha bulshada isticmaala ayaa aad u hadal haya waxa isku beegay dharka lagu soo xiray iyo kii ay wateen markii ay hadallada xanafta leh jeedinayeen.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in si eedeysanaha loo dareensiiyo in aan dambigan looga hareynin oo maalin loo soo qabanayo, lala sugo isla dharkii uu muuqaalka isaga duubay, halka qaar kale la soo xiro iyagoo gacanta kula jira falka.

‘’Dadkan sida aad la socotidba way iska hadlayaan, markii ay hadlaana waxay rabaan ayay isaga hadaaqaan, uma haystaan in ay dambi galeen, iyagoo fal dambiyeed galaya ayay duurka iska galaan, marka si loo dareensiiyo in aan dambigan looga hareyn oo maalin uun loo soo qabanayo ayaa lala sugaa, in ay subixii iska yimaadaan oo maalin kale iska yimaadaan, markii ay dharkii soo qaataan oo caadi yihiin baa la helaa, waana lala sugaa’’ ayuu yiri taliye Mahdi.

Qaar kale waxa la qabtaa iyagoo hawsha ku jira, sidaas ayaana loogu soo xiraa dharka ay muuqaallada isaga duubeen.

‘’Kuwo qaarkood marka fal dambiyeedka ay galeen isla markii ayaa la helaa, iyagoo muuqaal soo dhigay ama bannaanbax ka hadlaya ayaa la soo helayaa’’ ayuu yiri Mahdi.

Dadka 30-ka qof ka badan ee boolisku soo xiray, intooda badan waxa lagu soo xiray isla dharkii ay xirnaayeen markii ay muuqaalladooda soo dhigayeen barraha bulshada, taasi oo fal celin badan ay ka sameeyeen dad kale duwan.

Qaabka sawirrada looga qaado eedeysanayaasha la soo xiro

Tiktokers la soo xiray

XIGASHADA SAWIRKA,TALISKA QEYBTA GUUD BOLIISKA G.BANAADIR

Qoraalka sawirka,Hadalheynta ayaa ahayd in sawirrada eedeysanayaasha looga qaaday saldhigyada iyo kuwa ay ku istcmaali jireen barraha bulshada uu farqi weyni u dhaxeeyo.

Dooddaha kale ee dhawrkii cisho ee la soo dhaafay barraha bulshada qabsaday waxa kamid ahaa, sawirrada eedeysanayaasha ee uu soo bandhigay Taliska Booliska Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir.

Hadalheynta ayaa ahayd in sawirrada eedeysanayaasha looga qaaday saldhigyada iyo kuwa ay ku istcmaali jireen barraha bulshada uu farqi weyni u dhaxeeyo.

Faalooyin kale duwan ayaa laga bixiyay sawirradaas laakiin boolisku waxa ay sheegayaan in hadba saldhiga lagu xiro qofka ay ku xiran tahay qalabka uu haysto, qaar baa isticmaala kaamaro, halka kuwa kale ay isticmaalaan taleefan.

Taliye Mahdi oo aan weydiinay sababta sawirrada eedeysanayaasha, saldhigyadu soo bandhigeen uga duwan yihiin kuwa ay barraha bulshada ku isticmaali jireen ayaa ku jawaabay ‘’dadka sida aad la socotid, sawirrada haddaad aragtay meelo kala duwan ayaa lagu xiraa oo saldhigyo kala duwan ah, loogooyinka xitaa waa kala duwan yihiin, marka hadba saldhigaas lagu soo xiray wuxu isticmaali karo, hadduu kaamero u isticmaali karana kaamero ayuu u isticmaalaa, kii kaamera aan isticmaaleyna taleefan ayuu isticmaalaa’’.

Saraakiisha saldhigyada qaar waxay isticmaalaan Iphone, qaar Samsung, halka kuwa kale ay isticmaalaan kaamero marka ay eedeysanaha sawir ka qaadayaan, ayaan ka soo xiganay taliyaha.

Macalin Mahdi waxa kale oo uu ka hadlay hadba sida ay u kala duwan yihiin goobta sawirrada looga qaadayo eedeysanaha iyo muuqaalka ay leedahay.

‘’Meelaha qaar, goobaha ay ku taalo astaanta booliska, meelna goob mugdi ah ayay ku taalaa oo qol dhexdiisa ah, meelna goob bannaana oo iftiin leh oo sawirka ku haboon ayay ku taalaa oo saldhigyadu taas way ku kala duwan yihiin’’ ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Booliska ayaa sheegay in waqtiyo kala duwan ay ku qaadato in eedeysanaha la soo xiro, si kasta oo uu u dhuunatana, marka dambe uu isagu bannaanka is keeno.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles