Booliska Soomaaliya oo gacanta kudhigay Askari ladoon doonayay

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gaar ahaan Saldhiga Boliiska Dayniile ayaa gacanta ku dhigay Eedaysane loo haysto inuu shalay dilay Wiil dhalinyaro ah oo shacab ahaa.

War qoraal ah oo kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacabta lagu dhigay Eedaysanaha iyo qorigii uu falka ku gaystay.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gaar ahaan Saldhiga Boliiska Dayniile.Waxey gacanta kusoo dhigeen Eedeysane ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka, dilkaas oo ka dhacay Deegaanka Daarusaam. Waxaana dilkaas geestay Edeysane Mahad Cali Maxamud 26 jir ah kuna hubeysan Ak47.Marxuumka dilka loo geestay waxaa lagu magacaabijiray Marxuum: Ahmed Nuur Tooxow 32 jir ah” ayaa lagu yiri Qoraalka Booliska Soomaaliya.

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles