Ku dhowaad 90% madaxda xilalka haya iyo kuwa sugayaba ee dalka, siyaasiyiin iyo shaqaale rayad ah, dalka dibaddiisa ayey ku ciideen. Nairobi, Istanbul, Makka, Qahira iyo Dubai ayaa la isku qaybiyey, Nairobi waxay noqotay Muqdisho labaad. Dawladda oo keliya ma aha ee qaybaha kale ee bulshada sida; ganacsatada, NGO layaasha, saxaafadda iyo cid kasta oo wax heli karta dalka waa ka soo dhooftay.
Muuqaalkaasi wuxuu sawir dhab ah ka bixinayaa in aysan waxba is dhaamin Hormuudka (elite) Soomaalida ee siyaasadda, ganacsiga, saxaafadda, iyo samafalka (voluntary sector) ka iyo ajnabiga Xalane deggan ee dalka ka shaqaysta, dhammaanteen dalka waan ka xoogsanaa ee uma xoojino.
Natiijadan waxay ka dhalatay markii siyaasigii danta guud loo diray uu tiisii gaarka ah iyo damaciisa shakhsiga ah u dulloobay, qaybihii kale ee bulshadana, ganacsato, culumo, suxufi iyo aqoonyahanna ay dantii guud iyo dalwadnimadii ka danaysteen sidii in aysan noloshadeena qusayn oo kale.
Dood ayaa oranaysa bani’aadamku xaqa iyo xoriyadda ma jecla, ma aha in uusan rabin, laakiin wuxuusan doonaynin in uu bixiyo qiimaha ay ugu kacayso, mana jirto xorriyad iyo xuquuq la helayo qiimo la’aan.
Bulshadu markii ay ka aradnaato qiyamka cadaaladda, xaqa, xoriyadda, sinnaanta, diidista dulmiga iyo u hiilinta dulmanaha wuxuu Quraanka ku tilmaamay in ay xoolaha ka liitaan.
Waa in aan damiirkeena noolayno, waxayna ka bilaabata in aan ka adkaano damaca iyo doonista nafta, si aan u gaarno xaalad akhlaaqeed oo garasho iyo awood inoo siinaysaa in aan xaqa u hiilino, garanana in danta guud la’aanteed aan mid gaar ah la xaqiijin karin.
W-Q: Cabdiraxman Cabdishakuur