Cancelo Muxuu Ka Dhahay Dacaayadaha Laga Faafiyey Ee Dhanka Man City .

Joào Cancelo Xiddiga Garabka Midig Ee Difaaca Ah Ee Kooxda Barcelona Islamarkaana Milkiyadiisa Leedahay Kooxda Man City Ayaa Iska Fogeeyey Dacaayado Laga Faafiyey Oo Ku Saabsan Inuu Ahaay Qof Aysan Isku Fiicneyn Dadka Uu La Shaqeynaayey Mudadi Uu Joogay Etihad Stadium .

Cancelo Oo Kahadlaya Arrintaas Ayaa Yiri ” Waxaa Jiray Sheekooyin Been Abuur Ah Oo Igu Saabsan Goorta Aan Joogay Man City Marnaba Iskuma Xumaanin “Teammate” Dadka Shaqo Wadaaga Aheynay”.

” Waxaan Xasuustaa Mar La Ii Dhacay Oo Guriga La Igu Soo Weeraray Isla Maalinti Xigtayne Waxaan Ku Ciyaarayey Emirates Stadium Annagoo Wajaheynay Arsenal”.

Isagoo Hadalkiisa Sii Watana Waxaa Uu Yiri “Waxaa Jira Waxyaabo Aadan Ilaabi Karin, Xaaskeyga Iyo Gabadheyda Ayaa Guriga Uga Soo Tagay Kaligood Anigoo Wali Cabsanaya Waxa Ayna Igu Aheyd Arrin Weerar Ah Inaan Markaas City U Ciyaaro Xaalada Aan Kujiray”.

Ugu Danbeyn Wuxuu Kusoo Gaba Gabeeyey Hadalkiisa Asigoo Lahadlaya A Bola ” Man City Ahaan, Waxa Ay Ku Aheyd Mid Aanan La Mahdin In Sidaan Camal Ay Iiga Hadlaan, Waxaana Dhankooda Ka Ahaay Ciyaaryahaan Muhiim Ah” .

Maxaa Kaaga Baxay Hadalka Cancelo Iyo Wararka Laga Faafiyey Fikirkaaga Hoos Noogu Reeb Adigoo Raali Ah .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles