Chelsea Oo Dalab Kale Ka Gudbineysa Willian Estêvão Iyo Qodobo Kale

Kooxda Chelsea Ayaa Markale Dalab Kasoo Gudbineysa Laacibka 17 Jirka Ah Ee Reer Brazil Iyo Kooxda Palmeiras Willian Estêvão Kaasoo Hore Dalab Ugu Gudbiyeen Kooxdiisa Balse Laga Diiday .

Qorshaha Chelsea Wuxuu  Ahaa In Ay Xaadiraan Kulanka Ugu Danbeeyo Ee Fasalkaan In Ay Daawadaan Laacibkaan Kadibna Aay U Gudbaan Wadahadallada Kama Danbeysta Ah Ee Lagu Soo Xera Galinaayo Laacibkaan .

Dalabkii Hore Looga Diiday Chelsea Wuxuu Ahaay €32M Oo Lagu Daray €25M Oo Dheeri Ah Balse Soo Jeedinta Cusub Ayaa Qiimaheedu Ka Kacayaa €65M Oo Euro Ah Kaasoo Aay Macquul Tahay In Palmeiras Aqbasho  Ayadoo Shuruudaha Shaqsiga Ah Ee Laacibka 100% Lagu Heshiiyey Isbuuc Kahor Laacibkane Uu Doonayo Chelsea Sida Uu Sheecinaayo Fabrizio Romano.

Thiago Silva Oo Macsalaameynaya Chelsea.

Difaaca Waaya Araga Ah Ee Reer Brazil Thiago Silva Ayaa Macsalaameyn Doono Kooxda Chelsea Iyo Jamaahiirteedaba Kadib Kulanka Ay Todobaadkaan Laleeyihiin Dhigooda Bournemouth Kulanka Ugu Danbeeyo Horyaalka .

Rug Cadaaygaan Ayaa U Baqoolaya Waddankiisa Hooyo Ee Brazil Iyo Kooxda Fluminense Bisha June Ee Fooda Inagu Soo Heysa Balse Katagidiisa Chelsea Ma Ahin Mid Abadiya Ah Wuxuuna Qalbiga Kajecel Yahay Kooxdaan , Jamaahiirtaan Iyo Magaaladaba Waxaana Lasheegay Inuu Halkaan Kusoo Noqon Doono Asigoo Doorkaan Mid Kaduwan Kaqabanaya Chelsea .

Alexis Sanchez Oo Macsalaameynaya Jamaahiirta Inter.

Todobaadyada Fooda Inagu Soo Heysa Laacibka Reer Chile Iyo Kooxda Inter Milan Alexis Sanchez Ayaa Noqonaya Koox La’aan Ayadoo Kooxda Inter Milan Horeba U Keensatay Badalkiisa Oo Ah Mehdi Taremi Oo U Ciyaara Kooxda FC Porto Kaasoo Imaanaya Dhammaadka Xagaaygaan .

Kooxo Farabadan Ayaa Dalabyo Usoo Gudbiyeen Laacibka Rug Cadaayga Ah Ee Kooxo Badan Hore Ugu Soo Ciyaaray  Kubadda Cagtana Waxbadan Kaqabsaday June Ayuuna Toos Uga Tagayaa Kooxda Inter Milan Maalmahaanne Wuxuu Qaadan Doonaa Wadahallo Ku Aadan Mustaqbalkiisa Iyo Kooxda Kuhaboon Uu Aadi Karo.

Nordi Mukiele Iyo Ciyaartoy Kale Oo Isaga Hayaamayaan PSG .

Dambeedka Midig Ee Difaaca Kooxda PSG Nordi Mukiele Ayaa La Filayaa Inuu Isaga Hayaami Doono Kooxdiisa PSG Marka Uu Furmo Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ayadoo Sidoo Kale Carlos Soler Iyo Kuwo Kaleba Doonayaan In Kooxdaan Ay Katagaan Maadaama Boos Joogta Aysan Ka Heysanin .

Bixitaanka Mukiele Ayaa Imaanaya Kadib Markii PSG Suuqa Ka Raadineyso Difaac Dambeedka Mid Ah Oo Badal Unoqdo Ashraf Hakimi Taasoo Mukiele Kadhigi Karto Inuu Noqda Dooqa Sadaxaad Sidoo Kale January Bilaawga Sanadkaan Wuxuu Ku Dhawaaday Inuu Kubiiro Bayern Munich Balse Ma Masuurtagalin .

Pochettino Oo Yadadiilo Galinaya Jamaahiirta Blues.

Macalinka Kooxda Chelsea Mauricio Pochettino Ayaa Dhamaadka Horyaalka Wuxuu Kusoo Baxay Macalin Guuleed Kadib Markii Kooxdiisa Chelsea Aanan Laga Badinin 5-tii Kulan Ee Ugu Danbeysay 1 Bareejo Iyo 4 Guul Xiriir Ah Taasoo Kadhigan In Isfahanka Wiilashiisa Ay Timid Dhamaadka Xilli Ciyaareedka Waxaana Ay Hadda Fursad U Heystaan In Ay Ciyaaraan Koob Yurub Ah Hadii Ay Bournemouth Kabadiyaan .

Pochettino Oo Kahadlaya Form-ka Kooxdiisa Kujirto Ayaa Yiri ” Waxa Muhiimka Ah Ayaa Ah Inaan Bilaawnay Dhismaha Qaabdhismeedkeena Cusub, Waxaan Dooneynaa Inaan Tilaab Tilaab U Dhisno Waliba Si Aad U Adag Marka Hadii Aan Ku Faraxsannahay Inaan Sidaas U Noolaano Waxaan Noqon Doonnaa Kuwo Xoogan Sanadaha Soo Socda Waxa Ayna Noo Ogolaaneysaa Inaan U Dagaalanno Waxyaabo Badan”.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles