Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Ciidamada Booliska Aduunka oo dowlada Soomaaliya usoo gacan geliyay gacan kudhiigle baxsad ahaa.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigay nin baxsad ah oo ku eedeysay dil ka dhacay gobolka Nugaal ee Puntland, kaas oo dalka ka cararay.

Soo qabashadan eedeysanahan oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Ciise ayaa waxaa iska kaashaday Booliska Soomaaliyeed iyo kan caalamiga ah ee Interpol, waxaana maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa ku eedeysay inuu 17-05-2023 gobolka Nugaal ku dilay marxmuum Maxamed Axmed Faarax, isaga oo kadib u baxsaday dalka Kenya oo ugu dambeyn laga soo xiray.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ninkan oo isticmaalamay magaca been abuur ah oo ka gudbay xadka Soomaaliya, kadina ay la wadaageen Interpol oo maanta soo qabatay.

“Waaran soo qabasho ah oo u soo jarey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo tixgeliyey codsiga ka yimid Maxkamada gobolka Nugaal ayaa hoggaanka xiriirka dibadda (Interpol) ee Booliiska Soomaaliyeed Ka codsadey in lasoo qabto eedeysane Maxamed Cumar Ciise 30 jir ah, kuna eedeysan inuu dilay, Marxuum Maxamed Axmed faarax taariikhda marka ay aheyd 17-05-2023, isagoo isticmaalay Qori AK47 ah kadibna u baxsaday dalka Kenya.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Hoggaanka xiriirka dibada ee Booliiska Soomaaliyeed ayaa xogtiisa la wadaagay xafiisyada Kala duwan ee Booliska caalamigga ah ee Interpol, waxaana la ogaadey inuu ku noolyahay Kenya, uuna Isticmaalay magaca Cabduqaadir Cumar Cali si aan loo aqoonsan

Kahor inta aan lasoo qaban eedeysanah ayaa 21-06-2024 tegay safaarada Soomaaliya ee dalka kenya, si uu u jarto dukuminti laabasho ah (Go Home), wuxuuna ku jartey magaca been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali.

“Xarunta Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa si toos ah ugu soo wargelisay hoggaanka xiriirka dibadda ee Booliiska Soomaaliyeed in eedaysanaha uu kusoo wajahan yahay magaalada Muqdisho 25-06-2024, aroortii hore ee saaka ayaana garoonka Diyaaraha Aadan Cadde laga soo qabtay eedeysanaha ,waxaan lagu wareejin doonaa maxkamada gobolka Nugaal si loo marsiiyo Cadaaladda” ayaa gabagabadii lagu yiri warka qoraalka ah.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles