Ciidamo Mareykan ayaa dilay Saraakiil Alshabaab ah kadib howlgal kadhacay Shabeelada Hoose

Howlgal ciidan oo ee fuliyeen ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu yahay geeska Afrika ayaa lagu dilay saraakiil sare oo katirsan alshabaab.

Weerarkaani oo dhacay 10ka bishaan Maarso Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxa faah faahin kabixiyay taliska ciidanka Mareykanka ee fadhigoodu yahay Africom.

Weerarkaani ayaa yimid kagadaal marki dowlada Soomaaliya ee dalbatay caawinaad xaga duqeynta ah sida ee cadeeyeen taliska ciidanka Mareykanka.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Ugunji oo 71 kiilo mitir dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka.

Taliska soo soo saaray qiimo hordhac ah oo ku aadab weerarka ayaa sheegay inay ku dileen illaa saddex sarkaal oo ku sugnaa goobta la duqeeyay, baose ma shaacin magacyadooda.

Sidoo kale AFRICOM ayaa intaasi kusii dartay in warbixintooda ay ku xaqiijiyeen in wax khasaare ah uusan gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanka la duqeeyay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo Ugunji iyo agagaarkeeda si wayn looga dareemay weerarka uu fuliyay Mareykanka.

Majirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Alshabaab.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles