Ciyaaryahanka caan baxay isaga oo aan marna u safan xulkiisa oo BBC-da u warramay

Koobka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa dhamaadkii bishii hore si habsami leh uga furmay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ay wada ciyaareen afar maamul goboleed iyo gobolka Banaadir.

Waxaa xusid mudan in Koonfur Galbeed oo kamid ahayd maamul goboleedyadii qaybta ka ahaa ay dib dambe isaga hareen tartanka sababo dhowr ah awgood.

Intii ay ciyaaruhu socdeen waxaa muuqatay xiisaha iyo xamaasadda taageerayaasha, haddii ay ahaan lahayd kuwa garoonka buuxiyay iyo kuwa shaashahadaha kala socdaba.

Waxaa jira ciyaartoy dhowr ah oo hadal heyn badan ka dhex dhaliyay bulshada haddii ay ahaan lahayd xirfado ay soo bandhigeen inta kulamadani ay socdeen iyo kuwo laga arkay baraha bulshada labadaba.

Waxaa kamid ah Bashiir Xuseen Maxamed oo loo garan ogyahay ‘Isku aamow’.

Waa ciyaaryahan aan marnaba kasoo muuqan kulamada la ciyaaray walibana aan garoonka soo gelin intii ay kulamadu socdeen, hase yeeshee aad loo hadal hayay.

Waxa uu ku dhashay magaalada Baydhabo, waxa uu haatan katirsan yahay kooxda Howlwadaag ee kadhisan isla magaalada Baydhabo, waxaana uu ka ciyaara qaybta difaaca.

Muuqaallo gaagaaban oo uu kusoo bandhigo baraha bulshada gaar ahaan aaladda TikTok ayaa ka dhigay qof ay bulshadu garanayaan.

Waxa uu caan ku yahay habka difaaca ee kubadaha weerarka ku ah gooshiisa, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay daafac ka dagaallama in ay kubaddu dhaafto.

Isku aamow oo BBC-da la hadlay ayaa yiri, “Aniga waxa aan taageeraa ciyaaryahanka daafaca ah ee Sergio Ramos, waa difaac bir ah oo adag, aniga sidaas si lamid ah waxaan ku dadaalaa in aan difaaco goosheenna.

Dadku waxa ay iga barteen baraha bulshada oo aan soo geliyo muuqaallo gaagaaban xilli aan ciyaarayo, waxa ay igu amaanaan habkeyga difaaca, waana sababta aan u yeeshay taageerayaal badan”.

Isku aamow waxa uu sheegay in uu taageero kooxda Manchester United ee ka ciyaarta horyaalka Premier league-ga ee Ingiriiska.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay sababta keentay in kulamadii dhacay uu kasoo muuqan waayo isaga oo ah ciyaaryahan si weyn loo sugyay bandhiggiisa.

“Aniga iyo 25-kale oo ciyaartoy ah ayuu macallinku na soo xushay, dabcan dookha safka hore iyo ciyaaryahannada ciyaaraha macallinka ayaa leh anigana booskeyga waxaa ciyaarayay labo ciyaaryahan oo kale, laakiin waan ku rajo weynaa in aan ciyaaro”, ayuu yiri Isku Aamow.

Dadka qaar ee daawaday goosgooskiisa ayaa tilmaamay in kooxda uu ku keeni karo qaladaad badan marka ay noqoto dhinaca daafaciisa, hase yeeshee waxa u ku adkeystay in sababta ciyaarsiin la’aantiisa ay ahayd dookh dhinaca macallinka ah.

Isku aamow waxa uu ku rajo weynaa in uu mar uun kasoo muuqdo kulamada ciyaaraha haatan socda balse maamulka Koonfur Galbeed ayaa gebi ahaanba isaga baxay, waxaana ciyaartoydii maamulkaas ee ku sugnaa Muqdisho dib loogu celiyay Baydhabo.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles