Dahabkii Soomaalida oo la dhacayo!!!.

Qofkasta wixii uu bartay waa in uu la wadaago Bulshadiisa. Anna waa in aan la socdaa dhaqdhaqaaqa Dhaqaalaha Dalkeyga.

Aamin ama Ha aaminin, sida aan horeba idiin kugu sheegay baaritaankii hore.
Mar labaad Baaritaan dheer oo xaqiiqa raadin ah kadib waxaa ii soo baxaday waxa ugu badan qiima ahaan ee laga dhoofiyay Dalku waa Dahab, kaa oo 12 kii Bilood ee ugu dambeysay ku dhaw $ 300 Million. Kaa oo xatta ka sareyo Ariga aan dhoofinay oo gaarayo $170 million.

Dahabkaa oo si sharci daraa looga dhoofiyo Gobaladda Dalka haba ugu badnaadeen Gobaladda Waqooyi, Barri, Galmudug iyo Labada shabeele.
Wax Cashuur ah kama helaan Dowladda dhexe iyo Gobaladu. Waxaa sii dheer in Dadka soo saaro laga siiyo qiimo aad uga hooseeyo kan suuqyada Aduunka, qaarna ay shirkado Ajnabi ahi ay toos isaga maamulaan, kuwaa oo faa’iido badan ku qabo in sharci daro ay ku dhoofsadaan, mana ogolaanayaan in ay Dalka nabadu ka dhalato si faa’iidoodu ayna hoos ugu dhicin, habkaa oo lagula dhaqmo wadamo badan oo Afrika ah oo Dahabka laga gurto in Nabadda loo diido kuwaa oo ay ugu dambeysay Suudaan oo Dagaalada ka socdo uu Dahabku sabab u yahay.

Adiguba Baadi goob dhabta Dahabka somalida iyo Macdanta ka qaalisan ee lagaa qaadanayo ee Saameeynee Noloshaada iyo Nabadda Dalkaaga lagaana qariyay.

FG :wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar

Qore :Yahya Amir

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles