Dalalka Iiraan iyo Israa’iil oo qarka usaaran dagaal dhax maro iyo wadamo waa weyn oo ukala saftay.

Ruushka, Jarmalka iyo Britain ayaa Khamiistii ku booriyay dalalka Bariga Dhexe inay is xakameeyaan, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Iran.

Iran ayaa ku eedeysay Israa’iil weerar cirka ah oo 1-di bishaan April lagu bartilmaameedsaday qunsuliyadda ay ku leedahay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya. Weerarkaas ayaa lagu dilay jeneral daraja sare ka hayay ciidanka qalabka sida ee Iran iyo lix kale oo dhammaantood ahaa saraakiil ka tirsan millatariga Iran.

Isaa’iil wali ma aysan sheegan mas’uuliyadda weerarka, laakin hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa khudbad uu Arbacadi jeediyay ku yiri: Israel “waa in la ciqaabaa waana ay noqon doontaa “,
Ra’isulwasaaraha Israa’iil, ayaa sheegay in ay waxyeeleyn doonaan cid kasta oo isku dayda in ay waxyeelleyso.

Diyaaradda Lufthansa ee dalka Jarmalka, oo ka mid ah laba diyaaradood oo laga leeyahay Galbeedka oo tagi jiray Tehran, ayaa kordhisay hakad ay gelisay duulimaadyadi ay ku tagi jirtay caasimadda Iran. Ruushka ayaa isna uga digay muwaadiniintiisa in ay u safraan Israa’iil, Lubnaan iyo dhulka Falastiin.

Wasiirrada arrimaha dibadda Jarmalka, Ruushka, Ingiriiska ayaa ugu baaqay dalalka Bariga Dhexe in ay is xakameeyaan isla markaana aysan gobolka u horseedin colaad hor leh.

Mareykanka ayaa isna sheegay in qaboojinta xiisadda taagan uu kala hadlay dalalka Turkiga, Shiinaha iyo Sacuudiga.

Reuters

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles