Dalka Koonfur Afrika oo wax ka badalayo Sharciga Qaxootiga kunool dalkaasi

Wasiirka Arrimaha Gudaha Koofur Afrika ayaa daaha ka qaaday qorshooyin cusub oo lagu xoojinayo shuruucda socdaalka dalkaas laguna horumarinayo hannaanka dhalashada iyo magangalyo-doonka.

Wasiirka, Dr. Aaron Motsoaledi, oo maalintii qorshahan lagu dhawaaqayay shir jaraa’id qabtay, ayaa siyaasadda socdaalka ee dalkaasi uu haatan ku shaqeeyo ku tilmaamay “mid laga dhaxlay xilligii gumeystaha.”

Kaddib bilooyin la tashiyo lala sameeyay shacabka, qorshaha hindise-sharciyeedka socdaalka dalkaas ayaa waxaa ansixiyay golaha Madaxweyne Cyril Ramaphosa.

Balse wuxuu u baahan yahay ansixinta baarlamaanka Koofur Afrika si markaasi sharci loogu beddelo.

Sharciga Dhalashada, Socdaalka iyo Qaxootiga ayaa lagu dhawaaqay iyadoo dadka Koofur Afrika ay bisha May isu diyaarinayaan doorashooyin.

Doorashadan, waxaa la filayaa in arrinta qaxootiga iyo socdaalka ay ka mid noqoto waxyaabaha ugu waaweyn.

Heerka shaqo la’aanta dalkaas ayaa gaartay ilaa boqolkiiba 32.6, waana mid ka mid ah heerka ugu sarreeya dunida.

Waxaa intaa dheer, carada loo qabo muhaajiriinta dalkaasi u imaanaya inay nolol fiican helaan ayaa qeyb ka ah shaqo la’aanta baahsan, guryo la’aanta iyo fursado kale.

Koofur Afrika oo bulshadeedu ay gaareyso 62 milyan, waxaa ku nool ugu yaraan 2.4 milyan oo qaxooti ah, sida laga soo xigtay tirakoob la sameeyay labo sano kahor.

Qaxootiga ugu badan waxay ka yimaadaan dalka deriska la ah ee Zimbabwe, balse waxaa sidoo kale jira qaxooti badan oo ka yimaada Soomaaliya, Itoobiya Congo, Bangladesh iyo Lesotho.

Si kastaba, muhaajiriin badan oo ku nool Koofur Afrika ayaa wajaha weerarro uga yimaada shacabka ajaanib nacaybka qaba kuwaasoo sheega inay iyagu waayeen shaqooyin iyo fursado kale.

Muhaajiriinta gaar ahaan ka yimaada dalalka kale ee Afrika, sida Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wajaha dil, dhac iyo burbur loo geysto hantidooda.

Soomaali

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Booliis ilaalinaya dukaan ay Soomaali leedahay

Ka bixitaanka heshiisyada caalamiga ah

Wasiir Dr. Aaron ayaa sheegay inay ‘khalad weyn’ ku ahayd dowladda Kongareeska Qaranka Afrika (ANC) ee talada qabatay bartamihii 90meeyadii kadib markii xukunka laga tuuray tii hannaanka caddaanka, inay saxiixdo heshiisyo caalami ah oo dhowr ah.

Sida uu sheegay wasiirku, heshiisyadan ayaa la saxiixay kahor inta aysan dowladda cusub la imaan siyaasaddeeda gaarka ah ee socdaalka.

Heshiisyada uu sheegay wasiirka waxaa ka mid ah kii 1951 ee Cahdiga Qaxootiga Qaramada Midoobay, Borotokoolkii1967 Protocol iyo Cahdiga Ururkii hore ee Midnimada Afrika ee 1969.

Koofur Afrika

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Wasiirka Arrimaha Gudaha Koofur Afrika, Dr. Aaron Motsoaledi

Markii Koofur Afrika ay aqbashay heshiisyadan, lama aysan imaan wax laga beddelayo amaba laga saarayo sida uu wasiirku sheegay.

Wasiirka ayaa soo jeediyay in Koofur Afrika ay ka baxdo heshiisyadan, isagoo ku dooday inaysan awood u lahayn in xag dhaqaale iyo xag bulsho ay ka caawiyaan magangalyo-doonka badan ee dalkaasi ku qulqulaya, sida waxbarasho iyo guryo.

Dr. Aron ayaa sheegay i Koofur Afrika ay dib u saxiixi doonto heshiisyadan marka ay xaqiijiso in qaar ka mid ah qodobbada laga saaro.

Beddelidda hannaanka dal ku galka

Koofur Afrika

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Isagoo xoojinaya baahida loo qabo isbeddelka siyaasadaha socdaalka, ayaa Dr Aaron wuxuu 17-ka nooc ee dal ku galka Koofur Afrika ku tilmaamay mid adag.

Marka la eego hannaanka cusub, waxaa laga yaabaa in dib u eegis lagu sameeyo dal ku galka sida kuwa dowladda iyo hay’adaha.

Isbeddel kale oo lasoo jeediyay ayaa wuxuu la xiriiraa ‘Dal ku galka Degganaanshaha Ku meel gaarka ah’ ee loogu talogalay dadka maalgashiga yar dalkaasi ku sameysanaya.

Saraakiisha Koofur Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay wax ka qaban doonaan oo ay xakameyn doonaan guurka been abuurka ah ee dadka qaar ay u sameeyaan inay ku helaan degganaansho.

Shuruuc cusub oo qabanaya dukaamada

Koofur Afrika

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Weerarrada ajaanib nacaybka ku saleysan ee ka dhanka ah ajaanibta dalkaas ee ay Soomaalidu ka mid tahay ayaa waxaa lagu beegsadaa dukaamada ku yaalla tuulooyinka.

Dukaamadan oo ah kuwo aan rasmi ahayn ayaa loo yaqaannaa ‘spaza’. Dowladda dalkaas ayaa qorsheyneysa inay la timaaddo shuruuc adag si dukaamadaas ay ugu shaqeeyaan si la mid ah dukaamada kale.

Marka la eego sharciga cusub, dukaamadan ayaa laga doonayaa inay iska diwaan geliyaan dwladda hoose ee magaalooyinka waana in la ogaadaa xogta socdaalka ee milkiilayaasha.

Haddii la ogaado in milkiilayaasha aysan diwaan-gashaneyn, dukaamada ayaa la xiri doonaa. Balse wuxuu wasiirku carrabka ku adkeeyay in haddii ay doonayaan dukumentiyo sax ah, ay tahay inay bixiyaan canshuurta ayna u hoggaansamaan shuruucda caafimaadka iyo badqabka ee dalkaas.

Sharciga cusub ayaa sidoo kale lagu go’aaminayaa halka dukaamadan laga furayo, hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee dalkaas ayaana door weyn ka cayaari doona maamulka dhulka bulshada.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles