Howlgal la qaaday maalinkii shalay ahayd ayay Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika ay ku shaaciyeen in ay ku laayeen saraakiil ka tirsan ururka Daacish.
Warka laga soo saaray howlgalkan ayaa lagu sheegay, in ay qayb kala ahayd dawladda federaalka ee Soomaaliya
“Annagoo kaashanaya dawladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Soomaaliya ka fuliyay weerar dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyada Daacish ka tirsan, May 31, 2024. Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan fog oo ku dhow deegaanka Dhaardaar oo qiyaastii 81 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee dalka Soomaaliy” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay AFCOM.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in weerarkan lagu dilay saddex dagaallame oo kooxdaas ka tirsan.
Ma aha markii u horreysay ee AFCOM ay weerar dhanka cirka ah ka geysato Soomaaliya, muddooyinkii u danbeeyey ayayna qaadeeyeen hawgallo ay ku beegsadaan kooxaha jihaad doonka ah ee ka dagaallama Soomaaliya.
Dawladda Federaalka iyo Puntland maxay ka yidhaadeen duqayntan?
Muddooyinkii u danbeeyey waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyey madaxda maamul goboleedka Puntland iyo kuwo Federaalka, kaas oo gaadhsiis naa heer warar kala duwan la isu mariyo warbaahinta.
Maamulka Puntland ayaa hore u sheegay in duqeymaha laga geysto deegaankooda aanay dawladda federaalku waxba ka ogayn, wax door ahna aney ku lahayn.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa BBC-da u sheegay in duqynta Marayku tahay wax iska dhici jirey, balse doorka dawladda federaalka iyo sheegashoodu aanay waxba ka jirin.
“Duqeynta Marykanku intii ammaandarradu ay ka jirtay dhulka Soomaalidu way dhici jirtay. Hase ahaatee waxaa nasiib darro ah oo marin habaabin ah in xukuumadda Xasan Shiikh wax aanay saamayn ku lahayn, xogteedana lagu aamini karin, in ay maalin walba sheegato waa been.” ayii yiri wasiir Caydiid.
Wasiir Dirir ayaa intaa raaciyay in ammaanka Puntland aanay waxba kala socon dawladdu federaalku gacantana aanay ku hayn.
“Puntland amaankeeda gacanta kuma hayaan waana dacaayad waxa ay ka faa’iidayaan aan la garanayn” ayuu yidhi Wasiir Dirir oo BBC-da la hadlay.
Wasiirka ayaana sida oo kale ku dooday in aanay wax “taag iyo tamar ah” midna aanay ku biirin karin, sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa isna dhankiisa ku dooday in hawshaa ay iyagu qayb ka ahaayeen, isla marahaantaana guud ahaan ammaanka dalku uu yahay masuuliyadda dawladda dhexe.
“Dawladda Soomaaliyeed waxay masuul ka tahay dalkaa Soomaaliya, waxaana ay la socotaa waxyaabaha ka socda. Deegaannadaasi waxa ay ka mid yihiin deegaannada kale ee Soomaaliyeed ee ay cadawga kula dagaallanto” ayuu Wasiir Al-caddaale oo la hadlay BBC-da.
Wuxuu intaa ku daray in shaqadani toodii tahay guud ahaan dalkana ay ka geystaan, duqeyntaa u danbaysayna ay ku soo badbaadiyeen qoysas halkaa afduub loogu haystay.
Waxaana uu sii raaciyey in doorka ay kuu leeyihiin uu yahay door hoggaamineed iyo mid is kaashiba .
“Doorkayagu waa door hoggaamineed, dawlada Soomaaliyeed codsigeeda ayay ku joogaan dhmmaan taageerada caalamiga ah ee aan helno iyo dalalka na kaalmeeyaba. Shaqo ay si wada jir ah u qabteen dhammaan ciidanka Soomaaliyeed iyo cidda na caawinaysaa ayay ku dhacdaa. Markaa hawshani waa hoggaamin iyo iskaashi aannu annagu dalbanno waxa nalaga taageerayo” ayuu yiri Al-Caddaala.
Ma aha markii u horreysay ee Puntland iyo dawladda federaalka ku kala aragti duwannaadaan hawlaha guud ee dalka socda, si gaar ah dhanka ammaanka iyo dhinacyada kaleba.
Daacish
m b bUrurka Daacish ayaa Soomaaliya howlgalladii ugu horreysay ka billaawday 2015-kii iyada oo ururka uu markii ugu horreysay uu ka soo muuqday buuraha Gobolka bari, waana aasaaska Daacish loo sababeeyaa inuu ku yimid kala jabkii ku yimid garabkii Al-Shabaab ee ka dagaallamayey Putland.
Wixii intaa ka dambeeyeyna Daacish wuxuu ku xoogeystay qaybo badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaalya.
Waxaa saameyntooda korartay kadib markii sannadihii la soo dhaafay kordhiyeen qaadista lacagaha iyagoo inta badan shirkadaha kala duwan ee ganacsiga ka qaata lacago baad ah, halka markii hore ay dhaqaale ka heli jireen oo kaliyah Daacishta kale ee ka dagaalanta dalalka carbeed.
Sanadkii 2022, ISIS-Soomaaliya ayaa la sheegay in ay soo saartay ku dhawaad 2 milyan oo doolar iyagoo aruuriyay lacago qaab baad ah looga qaaday ganacsiyada gudaha, gaarahaan alaabada, xoolaha iyo beeraha. 2021, ISIS-Soomaaliya waxay soo xareysay dakhli lagu qiyaasay 2.5 milyan oo doolar.
Maraykanka iyo dalal kale ayaana intaa ku hawllan ka hortegidda kooxdan iyo kuwa la hal maala sida Alshabaab iyaga oo guud Koonfurta Soomaaliya si joogta uga geysta weerarro dhanka circa iyo kuwo dhulka